Dhacdooyinka xalqada 13aad ee taxana Hercai (Ubax) oo dhameystiran iyagoo qoraal ah halkaan kaga bogo.

4
2506

-Taxanaha wuxuu maraayay markii Miran uu geeyo Reyyan meeshii ay wax walba ka bilowdeen qolkii yaraa ee duurka ku yaalay wuxuuna Reyyaan ka codsanaa iney is guursadaan isla markaasna uu wax walba ka difaaci doono kaliya erayga (Haa) halmar ku dhahdo.

-Balse jawaabta Reyyan ayaa noqoneyso dadka aad iga difaacdid maba xumee naftaada yaa iga difaacayo? Mase awoodaa inaad aargoosigaaga oo dhan ka tanaasushid?

-Miran jawaab cad ma siinayo Reyyan oo ah inuu ka tanaasulayo aargoosashadiisa waxayna arinkaas dhalineysaa in Reyyan uga tagto Miran meeshuu hada kahor uga tagay.

-dhanka kale Aziza waxay Gonul kala dooransiineysaa in Miran iska furto ama wiilka hooyadeed ka maqan oo sir ah waligeed aysan arki doonin.

-Gonul waxay qaadan doontaa go’aanka ah iney Miran furto iyadoo aad uga xun waxayna wajaheysaa hooyadeed balse sirta uma sheegi karto maadaama Aziza u hanjabtay.

-Reer Sadoglu maadaama guriga Aziza kala wareegtay waxay ka daabulanayaan alaabtooda inkastoo Azaad isku dayaayo inuu hor istaagto kuna baaqayo inaan guriga laga guurin balse oday Nasuh qorshe kale ayuu wataa wuxuuna dhamaan reerka ku amrayaa guri yar oo beerta nasashada u ahaa waana guri Nasuh uusan sanado badan tagin siro badana ku duuganyihiin.

-Miran markii ay ka tagto Reyyan wuxuu tagayaa qabriga hooyadiis asigoona ku dul ooynayo wuxuuna go’aansanaa waxkasta oo dhaco inuusan marnaba Reyyan ka tanaasuli doonin darteedna u dagaalami doono.

-dhanka kale Reyyan waxay tageysaa gurigooda waxayna arkeysaa reerkoodii oo qasriga ka guuraayo xili dariska xaafadahana usoo daawasho tageyn waxayna ogaanee in reerkooda guriga laga saaray ayadoona dambiga dusha iska saareyso.

-gabaydhii yareyd ee Gol markii ay iyadana ogaato in guriga reerkooda laga buriyay way iska baxeysaa waxaana iyadoo guryaha islaameed hor fadhisa la kulmaayo Miran oo Reyyan u socdo markuu weydiiyana waxay u sheegeysaa in duqdii indhaha madoobeed (Aziza) gurigooda imaaday kana burisay waxay kaloo u sheegee kuna dhahee adigaa guriga naga saaray.

-Miran oo aad u careysan ayaa wajahayo Aziza wuxuuna u sheegayaa in hada kadib labo wado kala qaadeen aarsigoodana labo dhinac kala qaaday asigoona ku dhahaayo aniga Hazar Sadoglu kaliya ayaa cadowgeyga ah Reyyan walasheed iyo hooyadeed cadow iguma ahan sidaas owgeed dadka aan waxba galabsan intaan kabadan in la dhibaateeyo ma ogolaanayo wuxuu kaloona u sheegaa in guriga uga guuri doono.

-Khalaas reer Sadoglu waa guureen balse arinta dhaceyso ayaa waxay tahay in reer Jiihaan wali laqdabo ka daba wadaan Reyyan taasoona kalifeyso in Hazar u sheego ineysan isku meel dagi doonin.

-Miran sidoo kale wuxuu ka guurayaa guriga ayaydiis wuxuuna qorshihiisa yahay inuusan Reyyan ka harin, aargoosigiisana ka tanaasulin sidoo kalana ayaydiisa u ogolaanin iney Reyyan dhib kale u geysato.

-Suldana markey ogaato in Aziza ay kala fureyso Miran iyo Gonul wax walba oo ay furiinkaas kuhor istaagi karto ayay sameyneysaa xitaa waali wey isku rideysaa lkn  aziza waa naag aan la siri Karin.

-waxaa kulmi doono Azaad oo doonayo in Gonul been abuurkeeda cadeeyo iyo Miran oo Gonul difaacayo waxaana bartamaha magaalda ka dhici doono dagaal xaafadeed kaasoona ugu dambeyn ku dhamaan doono in hubka la isula soo baxo.

-in magaalada bartankeeda hub la isuga soo baxo waxaa aad uga caroonayo golaha deegaanka waxaana masuulka deegaanka shir ugu yeerayaa Aziza iyo Nasuh wuxuuna usoo bandhigaa qorshe ay ku heshiin karaan kaasoo ah in Miran iyo Reyyan la isku daro hadii ay diidaana dhiig uu daadan doono oo ay Azaad iyo Miran dhiman doonaan sida dhaqankoodu yahay.

-Nasuh arinkaas wuu diidayaa si lamid ah Aziza inkastoo diidmada Aziza ay qorsho kawadato waana lagu kala tagaa kulankaas.

-Magaalada waxay galee bandow iyadoona qolo kasta hubka qaadaneyso difaacna galeyso balse waxaa dhaceyso in Miran uu soo aadi doono Nasuh si xaalka loo dajiyo maadama Gonul gardaro ku maagtay Azaad balse markuu gurigaas kasoo baxo waxaa kahor imaanayo kooxo hubeysan kuwaasoona rasaas ooda uga qaadi doono gaariga Miran.

-Waxaa loo maleynaa in Miran dhintay iyadoona Reyyan markey maqasho arinkaas shalaayto badan qaadeyso waxayna jabsan doontaa oohin balse Furaat ayaa usoo sheegayo in Miran uu boolyahay waxayna noqoney farxadii Reyyan.

-Miran si layaab leh ayuu uga badbaadaa shirqoolkii lagu dili rabay kaasoo loo maleynaayo inuu ka dambeeyay Jihan.

-Miran iyo Reyyan ugu dambeyn wey kulmi doonaan xili Reyyan aqbali doonto guurka Miran jaceylka ay u qabtana aysan qarsan Karin.

-Ugu dambeyn xalqada ayaa kusoo dhamaaneyso Miran iyo Reyyan oo hab isi siiyay aadna isugu faraxsan.

4 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here