Dhacdooyinka xalqada 24aad hadaad akhrisato sida Miran ayaad madaxa qabsan doontaa waana xalqadii lawada sugaayay taasoo xaqiiqooyin badan banaanka lagu keenay. Halkaan kaga bogo.

1
15899

Inaba caadi ma ahan xalqadii 24aad ee xalay lasoo bandhigay taasoo aheyd xalqo gabi ahaanteedaba xiiso leh misna indhaha laga qaadi Karin bal halkaan hoose kaga bogo oo adiga qiimeyn ku same;

-Xalqada ayaa ka bilaabatay halkii ay qeybtii hore ku dhamaatay markii ay Reyyan weydiisay macalin jibriil inuu u sheego qofka uu faraantiga u sameeyay balse macalin Jibriil ayaa ugu jawaabay in uu Mohamed Aslan Bey uu u sameeyay faraantiga.

-Reyyan hadalka macalin jibriil wey la yaabi doontaa waxayna leedahay maxaa been kugu xaqsaday adoo cimrigaan jiro miyaadan faraantigaan u sameynin Hazar Sadoglu? Mise Caziiza ayaa idiin hanjabeyso oo arintaan ka dambeyso? Balse macalin jibriil ayaa ugu jawaabayo isla hadalkii hpre ee ahaa in Mohamed Aslan Bey uu usameeyay faraantigaan.

-Reyyan ayadoo niyad jabsan ayay kasoo tagee Macalin Jabriil waxayna Miran u sheegee hadalkii macalin jibriil ayadoo Miran uu Reyyan ku dhahaayo xaqiiqda waa ogaatay hada ee maku qanacday balse Reyyan waxay dhaheysaa maya kuma qancin waa loo hanjbay dadkaan wajigooda ka dareemay.

-Caziiza ayaa ka dambeyso in macalin Jabriil uu been sheego ayada ayaana u hanjabtay in naftooda weyn doonaan hadii uu runta sheego.

-Macalin Jabriil wuxuu wiilkiisa kala  dardaarmaa hadii uu dhinto in Miran iyo Reyyan xaqiiqda faraantiga u sheego taasoo ah in Hazar Sadoglu uu u sameeyay faraantigaan.

-Miran iyo Reyyan waxay dib ugu soo laabanayaan gurigii ay Malika joogtay balse waxay arkayaan Azaad oo asigana goobta joogo wuxuna Azaad ka careysanyahay in ninkaan Miran ah wali Reyyan daba socoto xitaa hadii aabaheeda uu u sheegay in uu yahay asiga qofka dhaawaca soo gaarsiiyay.

-Azaad wuxuu u sheegaa Reyyan inuusan aqbali doonin in Miran wali daba socoto balse Reyyan ayaa Azaad u sheegeyso sababta ay iskula socdaan iyo faraantiga ay xaqiiqdiisa raadinayaan waxaana meesha ka dhacaayo is qabqabsi Azaad iyo Miran u dhaxeeyo.

Azaad iyo Reyyan ayaa qasriga dib ugu soo laaban doonaan wuxuuna Azaad Zahra u sheegaa in Reyyan wali Miran daba socoto arintaasoo Zahra ka careysiin doonto.

-Asmaa waxay la yaabantahay sababta ay juuq u yeeri la’dahay isla markaasna Zahra xaqiiqda uga qarineyso Hazar taasoo ah in Miran uu asiga dhalay sidaas darteed Hazar ayay soo waceysaa balse waxaa telka ka qaban doonto Zahra waxayna weydiinee sababta ay wali u aamusantahay? Zahra ayaa Asmaa u sheegeyso in ay dooneyso in xaqiiqda hubsato oo aysan ku kalsooneen maadaama cadowgooda la shaqeyso balse Asmaa ayaa Zahra ugu hanjbayeso hadii aysan Hazar arinta xaqiiqda u sheegin ay toos asiga ugu sheegi doonto in Miran wiilkiisa yahay sidoo kalana ay u sheegi doonto in Zahra xaqiiqda ogtahay balse arinta ka qarisay.

-Zahra talo ayaa ku cadaaneyso waxayna la tashanee oday Yuusuf arinta jirtana u sheegee wuxuuna oday yuusuf ku talinaa in arinta iska hubiso kahor inta aysan Hazar wax u sheegin sida in xaqiiq tahay warqada oo ay Dilshaah qortay waayo waxaa dhici karto iney shirqool tahay oo cadowga la iskuma haleyn karo.

-Ugu dambeyn waxaan ogaan doonaa qofka warqadii uu Hazar u waday Miran qariyay qof kale ma ahan waa Yaariin yaab.

-Zahra waxa ogaan doontaa in Yaariin ay ogeyd aargoosigii reer Sadoglu balse ay aamustay waxayna wajaheysaa Nasuh ayadoo u sheegeyso in Yaariin guriga ka buriyo hadii kale ay arinka Hazar u sheegi doonto isla markaasna guriga isaga tagi doonaan.

-Oday Nasuuh talo ayaa ku cadaan doonto oo ah inuu kala doorto gabadha uu awowga u yahay ee khaa’inada ah iyo wiilkiisa baariga ah wuxuuna dooranaa wiilkiisa sidaas darteed wuxuu u yeeraa Haandaan iyo Jiihaan asigoona u sheegaayo in Yaariin dag-dag nin loogu raadiyo si loogu daro gurigana looga wado.

-Yaariin arinta ayay ogaanee iyo in waalidkeeda ku waafaqeen qorshaha guurka sidaas darteed waalidkeeda ayay kashifee in sirta ayagaba la ogaayeen balse aamuseen.

-Haandaan oo la yaaban doqonimada gabadheeda ayaa bahal dharbaaxo ah indhaha ku kala jari doonto Yaariin .

-Jiihaan ayaa aabihiis Nasuh u sheegi doono in ayaga arinta ogaadeen mardambe oo fadeexada reerka qabsatay balse aysan horay u ogeyn.

-Dhanka kale iiliif waxay Miran u sheegeysaa wixii ay aragtay ee ahaa in in Suldanaha saqdhexe Caziiza ugu hanjabtay iney dili doonto ayadoo indhaha ka xirtay sadax nina usoo adeegsatay.

-Balse Suldanaha ayaaba arinka inkireyso waxayna sheegee in iiliif ay aragtay qarow arin noocaas ahna aysan dhicin taasoo layaab ku noqon doonto iiliif.

-Jonul hooyadeed hadalkeeda ma aamineyso waxayna ugu tagee qolkeeda ayadoona xaqiiqda soo ogaan doonto balse Suldanaha ayaa diideyso in gonul talaabo qaado waxayna u sheegee in arinkaas haatan waxba ka badali Karin balse Caziiza qaab kale uga aarsan doonto.

-Suldanaha waxay u muuqataa in ayada tahay cadowga sadaxaad ee Caziiza fariimaha usoo diro waayo hanjabaadaas kadib waxaa Reyyan soo gaareyso fariin ah in Dilshaah aysan ka tirsaneen deegaanka Midyaat balse tuulo yar ay kasoo jeedo waxaana Reyyan sidoo kale fariinta loogu sheegaa in xaqiiqda ay ogaan doonto ay waxyaabo badan badali doonto ayadoona tuuldada Miran hooyadiis ee Dilshah loo tilmaami doono.

-Reyyan ayaa subaxii go’aansaneyso in tuulada aado waxayna la xiriiree Miran balse Miran telka ma qabanaayo maadaama uusan ogeyn in Reyyan tahay qofka soo wacaayo.

-Miran markuu arko fariinta Reyyan ayuu isku dayaa inuu la xiriiro balse uma suurto galeyso sidaas darteed wuxuu wacaa Maliika oo arinta dhacday u sheegeyso taasoo aysan ogeyn reer Sadoglu.

-Miran ayaa kasoo daba baxaayo Reyyan waxayna si wadajir u imaanayaan tuuladii ay daganeyd Miran hooyadiisa ayagoona la kulmi doonaan islaan waayeel ah oo Miran ayaydiis iyo hooyadiis la noolaan jirtay xog badana heyso.

-islaantii waayeesha aheyd waxay qarxinee siro badan oo waaweyn waxayna Miran tusinee qolka hooyadiis ku noolaan jirtay sawirada ayaydiis hooyadiis iyo awoogiisa waxayna sidoo kale Miran u sheegee in hooyadiis qasab loogu guuriyay Maxamed Sadoglu.

-Duqda intaas kuma ekeyneyso waxay kaloo Miran u sheegee in ayaydiisa Caziiza Aslan Bey iyo aabihiisa Mohamed Aslanbey ay hooyadiisa silcin jireen sidoo kalana jirdili jireen.

-intaas kuma eka sidoo kale waxay Miran u sheegee in hooyadiisa markii ay dhimatay isla markaasna ayadiisa hooyadiisa dhashay damacday iney soo wadato misna tagtay qasriga reer Aslan bey in six un loola dhaqmay lagana soo buriyay qasriga ayadoo ay Caziiza ugu hanjabtay hadii magaca Miran dambe laga maqlo ay Miran walaa ayada isku dili doonto.

-Miran shoogii aduunka ayaa isugu darsami doono wuxuu ku hadlo ayuu garan weynaa yaabka, ciilka iyo amankaagana waa ka dhamaan doonaan.

-iiliif waxay la kulmee Azaad waxayna u sheegee in iyada Hazar ayada dhaawaca u geysatay ayadoona ka codsaneyso in uu la kulansiiyo sidaas darteed iiliif iyo azaad waxay soo aadi doonoon qasriga reer Sadoglu.

-Azaad iyo Iiliif oo hortaagan qasriga ayaa waxaa arkaayo Miran oo markaaas asiga iyo Reyyan ka imaadeen tuuladii hooyadiisa wuxuuna Miran soo aadaa dhinaca Iiliif taasoo orod ku galeyso qasriga reer Sadoglu si ay Hazar ula kulanto.

-Iiiliif ayaa ku qeylineyso Hazar Sadoglu markii la isku soo baxana waxay hortiisa ka dhahee aniga ayaa kusoo riday dhaawacana kuu geystay maxaa Miran uga been sheegee kadib waxay Iiiliif ku dhahee Reyyan aabahaa aniga ayaa dhaawaca u geystay Miran waa bari oo dambiile ma ahan.

-Balse Reyyan ayaa ugu jawaabeyso Iiiliif in hadalkeeda uu yahay wax lasoo dhoodhoobay iyo qiyaano uu wato Miran uguna been sheegaayo waxayna Miran sicad ugu dhahee beenta noocaan oo kale misna aad walaashaada yarta garab uga doonatay aniga ma qaadanaayo waxaad doontid sheeg.

-Miran oo yaaban ayaa aad uga xumaanayo sida ay Reyyan ugu kalsooneyn uguna maleyso inuu yahay nin xun wuxuuna asigoo aad u careysan isla markaasna u muuqdo mid gabi ahaanba ayada ka niyad jabay ku dhahaa; hadiiba aan agtaada sidaan uga xumahay wax kale oo aan ku dhahaayo majiraan” wuxuuna isaga tagaa qasriga reer Sadoglu asigoo iiliifna horay usii wadaayo.

-Miran markuu baxo Hazar ayaa Reyyan ku dhahaayo gabadheydii aniga been ayaan kuu sheegay Miran ma ahan qofka dhaawaca ii geystay Miran dambiile ma ahan….

Dhamaad xalqada ayaa halkaas ku dhamaaneyso Reyyan oo yaaban sidoo kalana naxdin ka muuqato iyo Hazar oo ka xun in madaxiisa dhibkaan u dhacay.

Xaqiiqdii xalqadaan 24aad waxay aheyd xalqadii ugu wanaagsaneyd dhamaan xalqooyinkii aan ilaa iyo haatan daawanay waxaana hubaa xalqada 25aad iney gabi ahaanteedba xamaasad socoto noqon doonto.

Hoos ka daawo xalqada oo muuqaal ahaan inaba caadi ma ahan waa mid xiiso leh sido kalena kanaalka Subscribe inoo saar si marwalba macluumaad xiiso leh u hesho…

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here