Taxanaha dhaqtarka Mucjisada ayaa meel xiiso leh ku dhamaaday xalay afsomaligiisa hadaba xalqada caawa dhacdooyinka lagu arkaayo hoos kaga bogo:

1-Nazli ayaa dadka ugu baaqeyso inee wada aamusan maadama Cali qeylada dhibeyso waxay kaloo usheege inee Cali si degen shaqadiisa u fahamsiyaan iyadoo qolka qaliinka kasoo dhex qeylineyso ayee dadka sidaas ku amree sidii ayeena yelayaan.

2-Markee dadka aamusan Cali ayaa caadigiisa hore kusoo noqonaayo waxuuna guda galaa shaqadiisa markii loo sheego isagoo si toos ah usoo aadi doono qolki qaliinka ee Nazli balse Nazli ayaa Guneesh ugu baaqeyso inuu Cali ka qariyo xaalka macalinn Farmaa kusuganyahay sidaa aawged Macali Farmaa oo dhulka wali yaalo Cali waa laga qarinaa waxaana isku dadbaayo Guneesh marka dambena meesha miis aa la dhigaa oo Cali ka arkii lahaa Macalin Farmaa oo dhulka yaalo.

3-Demiir ayaa dulqaadka ka dhamaanayo xoog ayuuna ku galaa meesha isagoo aabihiis caawinaayo maadama daawada neefta ka dhamaatay aabihiis sidaa aawged gudaha markuu galo Oksijiinka neefta ayuu u sameena sido kale Demiir Cali ayuu caawina nalka iftiinkiisa dhibaayo ayuu gabi ahaan jebinaa.

4-Macalin Farmaa oo sariir saaran oksijiina ku xiran ayaa markii ugu horeysay caawa la arkaa waana macalinka taxanaha kala waday xaaladiisana caawa wey culustahay maadama jirkiisa oodhan uu ku faafay feyriska.

5-Teja bukaankiisa wuu bad baada sido kale Beeliis ayaa murugeysa maadama jaceylkeeda Farmaa xaaladiisa xuntahay waxayse sii murugoone markii muuqaalka kaamerada laga tuso farmaa oo sariir jiifa misane oksijiin ku xiran.

Xalqada caawa wali murugada wey sii soconee waliba Cali shaqo adag ayuu qaban doonaa inta xaalkan lagu guda jiro waxuuna buuxina booska 10-dhaqtar howshee qaban lahaayen oo kale.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here