Dhacdooyinkii xalqadii 17aad ee taxanaha Hercai oo kooban iyo xiisaha taxanaha oo halkii ugu sareysay marayo. Qeybtii 2aad.

0
961

Waxaa xalay la daawaday xalqadii 17aad ee taxanaha xiisaha leh Hercai kaasoona dhacdooyinkiisa xiiso gaar ah lahaayeen waxaana halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa qeybtii 2aad intii ugu xiisaha badneyd;

-Jihan ayaa u sheegaayo Nasuh inuu doonayo in iiliif u guuriyo Azad isla markaasna ay noqoto aroosad reer Sadoglu kana aarsadaan reer Aslan Bey oo horay uga watay Reyyan.

-Yarin ayaa ku ciyaareyso Furat si ay kalsoonidiisa u hesho una noqdo jaranjaradii ay ku gaari laheyd Miran waxayna ku hanjabee hadii Miran xabiibkeeda noqon waayo uusan Reyyan xabiib u noqon doonin balse yaaba jiritaankeeda dhan og.

-Waawareey Asmaa oo ah caawisada Aziza ayaa la kulmeyso Hazar waana qofka niqaaban ee aad goosgooska ku aragteen waxayna ogtahay dhamaan xaqiiqooyinkii hore iyo in Hazar uusan dilin Miran hooyadiisa.

-Hazar ayaa Asma ka dalbanaayo iney caawiso si xaqiiqda banaanka u imaato Mirana u ogaado inuusan waalidkiisa dilin hase yeeshee Asma ayaa dhaheyso kuma caawin karo waayo waxaan u cabsanayaa caruurteyda (Ilaa hada lama oga cida ay kala jeedo waxayna u badantahay caruur ay dhashay oo Aziza gacanta ku heyso uguna hanjabeyso iney dili doonto hadii sirteeda kashifto).

-Miran ayaa magaalada Midyat bartankeeda xaflad aroos ku dhigaayo wuxuuna dadka hortooda uga cadeynaa inuu Reyyan guursaday oo ay xaaskiisa tahay iyadoo waliba ayaydiisa Aziza meesha goob jog tahay.

-Blasé Aziza ayaa bomb soo rideyso waxayna Miran u sheegee in Reyyan u guursatay kaliya iney Azaad noloshiisa badbaadiso ee aysan u guursan jaceyl dartiis.

-Hase yeeshee Reyyan ayaa iyadana Bombkii Aziza Bomb kale uga jawaabeyso waxayna Miran u sheegee warqadii ay usoo dhiibeen dadki afduubtay iyo in Aziza cadowgeeda afduubteen.

-Miran oo fiigtaalsan sidoo kalana arimahaas la yaaban ayay xalqada ku go’eysaa balse su’aasha waxay tahay Miran yuu aamini doonaa labadooda? Yuuna la safan doonaa? Aan sugno xalqada 18aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here