Dhacdooyinkii xalqadii 17aad ee taxanaha Hercai oo kooban iyo xiisaha taxanaha oo halkii ugu sareysay marayo.

0
1874

Waxaa xalay la daawaday xalqadii 17aad ee taxanaha xiisaha leh Hercai kaasoona dhacdooyinkiisa xiiso gaar ah lahaayeen waxaana halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa intii ugu xiisaha badneyd;

-Txanaha ayaa ka bilowday halkii ay ku dhamaatay qeybtii hore markii Reyyan u dhiibeyso warqad yar Aziza isla markaasna u sheegeyso in afduubkeeda uu xiriir la leeyahay cadow hore oo ay leedahay.

-Aziza ayaa markaas kadib ka shakineysi dhamaan dadka ku hareereysan xitaa maxamuudka waardiyaha khaaska u ah ayay shirqool u dhigeysaa iyadoo imtiaameyso  balse nasiib wanaag imtixaanka wuu ku baasaa.

-Azaad wuxuu soo wacaa Reyyan taasoo aanan marnaba telka ka qabaneynin kadibna wuxuu la xiriiraa iiliif wuxuuna ka dalbanaa iney caawiso iyadoona iiliif Reyyaan u sheegeyso in Azaad doonayo inuu la kulmo.

-Reyyan waxay isku dayee in arinka ku qanciso Miran balse Miran ayaa guud ahaan kahor imaanayo fikrada Reyyan kula kulmeyso Azaad.

-Dhowr isku day iyo juhdi dheer kadib Miran ayaa ogolaanayo in Reyyan la kulanto Azaad waxayna kula kulmee magaalada bartankeeda.

-Nasuh wuxuu maqlaa in Reyyan iyo Azad kulmeen wuxuuna go’aansanaa in Reyyan u sheego in Hazar gabadhiisa aheyn balse Hazar ayaa midaas kahor imaanayo iyadoo Zahrana Hazar u sheegeyso in la gaaray waqtigii Reyyan runta loo sheegi lahaa hanjabaada Nasuuhna ku daashay.

-Aziza waxay hanjabaad kala kulmeyneysaa Joonuul iyadoona xaalada ka xumaan doonto.

-Jonul waxay gudo galee iney raadiso akhbaarta walaalkeed waxayna heleysaa dukument ay ku qorantahay in Furat uu yahay mid la sheegtay oo aysan Asmaa dhalin balse wiil ka dhigatay asigana uusan ogeyn waxayna Gonul is weydinee maxay tahay sababta hantida reerka dhan magaca Furat loogu qoray waxayna soo xusuusanee hadalka Aziza ee ah hadii ay dhimato ay jiraan wiilal ay ayeeyo u tahay kuwaasoo aargoosiga meeshiisa kasii wadi doonaan.

-Azaad ayaa gurigooda kusoo laabanayo kadib markii Reyyan si cad ugu sheegto in Miran jeceshahay asigana walaal wax kabadan aysan u arkin sidaas darteed asigoo cabsan ayuu guriga imaanaa waxaana loo sheegaa in hooyadiis uur leedahay.

-Miran iyo Furat ayaa helayo marqaati og qofkii ka dambeeyay afduubkii Reyyan balse goobta ayuu isaga baxsanaa.

La soco qeybta 2aad oo xiiso leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here