Superstar Ajay Devgn oo ka mid ah atoorayaasha taariikhda fanka Hindiya ugu caansan uguna awooda badan ayaa maanta u dabaal dagay sanad guradiisa 51-aad wuxuuna AJ dhashay 2 April 1969 asigoo ku dhashay magaalada New Delhi ee dalka Hindia xarun u ah.

Devgn waxaa aabo u ah Veeru Devgn oo sanadii hore geeriyooday kaasi oo ahaan jiray Action-miiste ama qof agaasimo ficilada halista ah aflaanta lagu soo bandhigo wuxuuna Ajay kusoo caan baxay filimkii Phool Aur Kaante oo sanadii 1991 la daawaday kaasi oo Super HIT weyn noqday.

Ajay Devgn mudada 30-ka sano uu fanka Hindiya ka tirsan waxaa u suura gashay inuu darajo sare gaaro maqaamkiisana hoos u dhicin wuxuuna ka mid yahay atoorarayaasha fara ku tiriska ah ee 30-ka sano ugu dambeesay fanka Hindiya awood joogto ah ku lahaayeen sida Aamir Khan, Salman Khan, Shah Rukh Khan iyo Akshay Kumar.

Ajay waxaa u suura gashay 100-filim oo uu door dhameestiran ku leeyahay inuu sameeyo sidoo kalena 25-filim HIT dhameestiran ayuu sameeyay waa darajo naadir tahay atoore kasto fanka Hindiya 100-ka sano ka badan jiro inuu gaaro.

Sidoo kale Ajay Devgn waxaa u suura gashay 40-filim oo guuleesteen inuu sameeyo waana darajo kale oo atoore kasto gaari karin waxaana muuqato Superstar-kan inuu guusha saaxiib la yahay.

Ajay Devgn waxaa u dhaxdo atirishada caanka ah Kajol Devgn oo uu guursaday sanadii 1999 waxaana u joogaan gabbar iyo wiil lagu kala magacaabo Nysa iyo Yog waana qoys dhameestiran oo gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka caan ka ah.

Ajay Devgn waligiis kuma guuleesanin abaal marinta Filmfare Awards qaybta atooraha ugu wanaagsan balse labo jeer wuxuu hantay bilada lagu riyoodo ee dowlada Hindiya bixiso loona yaqaano National Film Awards. Fadlan hoos kaga bogo abaal marinada ugu muhiimsan ee AJ ku guuleestay socdaalka waayihiisa fanka Hindiya:

National Film Awards:

1998: Best Actor (Zakhm)

2002: Best Actor (The Legend Of Bhagat Singh)

Fimfare Awards:

1991: Best Male Debut (Phool Aur Kante)

2002: Best Actor Critics Awards (The Legend Of Bhagat Singh & Company)

2002: Best Villain (Deewangee)

Screen Awards:

1998: Best Actor (Zakhm)

2002: Best Actor (Company)

2002: Negative Role (Deewangee)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here