Maanta oo kale 9-September 1967 waxaa dunida guudkeeda yimid Superstar Akshay Kumar kaaso si rasmi ah u jirsaday 53-sano cimri ah waxuuna fanka ku guda jiray kudhowaad 30-sano isagoo noqday midkii ugu guulaha badnaa.

Kumar waxuu lasoo shaqeeyay shaqsiyaad badan oo magac weyn ka sameyen shirkadaan waxuu sido kale soo maray nolol adag bilawga noloshiisa ilaa uu maanta meel fiican ka gaaray saaxada Bollywoodka.

Akshay dadaalkiisa oo fiicnaa aawgii waxuu noqday atooraha ugu guulaha iyo Hit-ka badan 30-sano lasoo dhaafay Bollywood waxuu sameeyay 50-filim oo guuleesten mana ahan wax ciyaar ah sido kale waxuu sameeyay 32-Filim oo Hit dhameestiran ah.

Akshay mudooyinkii udambeyeen waxuu ahaa atooraha ugu daqliga badan hindiya gaar ahaan 2019 iyo 2020 iskoor weyn ayuuna heestaa maadama uu noqday shaqsiga kaliya ee Bollywood kasoo jeeda misane liiska Forbes ee daqliga sanadlaha uu kasoo muuqday.

Akshay noloshiisa gaar ah gabdho badan ayaa kusoo biireen waxuuna noqday atooraha atiriishooyinka ugu badan xiriir jaceyl la sameeyay ugu dambeynse waxuu la aqal galay gabadha lagu magacaabo Twinkle Khanna ee uu dhalay Superstar-ka kowaad hindiya Rajesh Khanna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here