Home » Nolosha Jilaayaasha » Dhalasho wacan Anushka Shetty iyo 8-Xaqiiqo oo gaar u ah

Dhalasho wacan Anushka Shetty iyo 8-Xaqiiqo oo gaar u ah

Atirishada Koonfur Hindiya ugu awooda badan Anushka Shetty ayaa maanta 36-sano jirsatay waxayna xidigtaan dhalatay 7 November 1981.

Anushka Shetty marwalbo waxaa lagu xasuusan doonaa filimka Classic ah Baahubali labadiisa qeybood sida ay u matashay balse 8-xaqiiqo oo xidigtaan gaar u ah fadlan hoos kaga bogo:

1. Sweety Shetty waa magaca rasmiga ah ee xidigtaan loo yaqaan balse magaceeda Anushka Shetty ayay u badashay markii ay fanka soo gashay.

2. Atirishadaan waxay kusoo taqasustay barashada Computer-ka iyo adeegsigiisa waxayna isku kuleej (College) kasoo wada baxeen Deepika Padukone waxayna wax ku dhigteen Carmel’s Girl’s College oo ku yaalo Banglore.

3. Ka Hor inta aysan atirisho noqonin waxay ahayd macalimad Yoga cayaarta jirdhiska waxaana tababaray Master Bharat Thakur ayadana machad weyn oo Yoga lagu barto ayay heesayo ama maamuleesay.

4. Ma aysan rabin in laga qaado tijaabo ku aadan filim jilista balse nasiib wanaag waxay heshay filimkeedii kowaad Super (2005) ayadoo la sameesay Super Star Nagarjuna.

Laakiin filimkeedii kowaad wuu guul dareestay waxayna aqoonsi ku heshay filimkeedii xigay ee Director SS Rajamouli sameeyay laguna magacaabo Vikramarkudu.

5. Anushka Shetty waa atirishada ugu horeesay ee sedex filim u sameyso Director-ka weyn ee guusha u saaxiibka ah SS Rajamouli waxayna u sameesay filimada Vikramarkudu (2006), Baahubali (2015) iyo Baahubali 2 (2017).

6. Anushka waxay bandhig Classic ah ka sameesay filimkeedii Arundhati: Ek Anokhi Kahaani (2009) waxayna ku qaadatay abaal marinada Nandi Special Jury Award iyo Filmfare Best Actress Award.

7. Anushka waxaa lagu xantay inay xiriir qarsoodi ah la sameesay Super Star Nagarjuna, markii dambena wiilkiisa Naga Chaitanya ayaa la sheegay inay jaceyl la wadaagtay.

Laakiin dhamaan sheekooyinkaan Anushka Shetty wax kama jiraan ayay ku tilmaantay iyo xan raqiis ah.

8. Anushka Shetty waxay noqotay atirishadii ugu horeesay ee Koonfur Hindiya ka tirsan taasi oo hal filim 5 Crore ($757,575) ku sameyso waxayna lacagtaan ku qaadatay filimkii lagu amaanay sidoo kalena guuleestay Rudhramadevi (2015).

Dhamaad,

Waad Ku Mahad Santahay Aqriskaaga