Home » Nolosha Jilaayaasha » Dhalasho Wacan Arjun Rampal Oo Maanta Jirsaday 45 Sano Iyo Macluumaad Ku Saabsan Xidigaan (+Sawiro)

Dhalasho Wacan Arjun Rampal Oo Maanta Jirsaday 45 Sano Iyo Macluumaad Ku Saabsan Xidigaan (+Sawiro)

Arjun Rampal wuxuu dhashtay maanta ookale 26 Nov sanadkii 1972 wuxuuna maanta u dabaal dagaayey dhalashadiisa oo wuxuu jirsaday 45 sano.

Waa Atoore, filim maalgaliye, qof Modelka ka shaqeyo iyo jilaa  televisiono ka shaqeya.

Rampal wuxuu Bollywoodka kusoo galay filimkii Rajiv Rai uu iska lahaa ee Pyaar Ishq Aur Mohabbat ee ;la daawaday 2001 waana filim jaceyl ah.

Arjun mudadii uu fanka kujiray wuxuu utartamay abaal marino dhowr ah oo ay kamid tahay abaal marinta atooraha Bollywoodka kucusub midka ugu wanaagsan ee shirkada Filmfare Award bixiso.

Kadib filimkiisa koowaad xidigtaan waxaa u xigeen aflaam dhowr ah kuwaaso uu qaab jiliin ahaan uu amaaan ku helay balse ganacsi ahaan fashilmeen sida Deewaanapan,Dil Ka Rishta, Dil Hai Tumhara, Hum Ko Tumse Pyaar Hai,Iyo Vaada.

Balse guul waxaa kadambeysa guuldaro Rampal wuxuu doorar wanaagsan ku yeeshtay aflaam Box-officeka gilgileen sido kalena xidigaan doorkisa lagu amaanay sida Don iyo Om Shanto Om.

Balse Filmka Rock On Rampal ma ilaawi doono maadama uu ku qaatay labada abaal marin ee ugu qaalisan Bollywoodka kuwaaso kala ah National Filim Award iyo Filimfare Award waliba isla filimkaan ayuu labadaan abaal marin ku qaatay qeybta atooraha caawiyaha ugu wanaagsan.

Arjun Rampal Iyo Noloshiisa Gaarka Ah:

Arjun sanadkii 1998 ayuu wuxuu la aqal galay gabadha Modelka ka shaqeysa ee lagu magacaabo Mehr Jesia Rampal waxayna u dhasha 2 gabdhood oo lakala dhaho Mahika Rampal iyo Myra Rampal.