Dhalasho Wacan Atooraha Xaragada Badan Jackie Shroff Iyo Macluumad U Gaar Ah Xidigaan!!

Waxay maanta sanad guuradiisa tahay jilaaga caanka ah ee Jackie Shroff kaaso kamid ah halyeeydii Bollywoodla iyo Super Stars kuwoodi usoo halgameen hormarka Bollywoodka maantana maqaam sare ayuu fanka kajooga rugcadaagan.

Fadlan Macluumad Kooban Oo Kusaabsan Jackie Shroff Halkaan Hoose Kaga Bogo:

Waxa uu dhashay 1 February-1957haatana waa 61 jir isagoo ku dhashtay magaalada Aquarius, Jackie Shroff Diintiisu waa Christian ama Masiixi, Jackie  waxaa loo yaqiin xiligii uu ku soo biiraayay Bollywoodka wiilka koobaad ee Bollywoodka wuxuuna ahaa wiil aad u da’yar marka uu soo gelayay jilaa nimada, waxaana lagu sheegaa in uu kamid yahay xidigihii ugu yaraa ee soo mara Bollywoodka guula wanaagsana  hantiyay, wuxuuna ahaa mid sanadba kan ka dambeeya sii horu marayay Jackie.

Noloshiisa gaarka ah: Jackie Aabihii Shroff waxa uu ku dhashay magaalada Mumbai Hooyadiis Rina waxey ka soo jeeday qos lagu magacaabo Gojaratneh, Jeckie waxa uu guursaday saaxiibtiisa Ayesha Dutt 1987kii kadib qisa dheer oo jacel oo ay soo wada mareen, waxa ayna u dhashay Ayesha laba caruur ah oo lagu kala magacaabo Krishna oo gabar ah iyo wiilka Tiger , gabadhiisa Karishna waxey dhigataa School mareykan ah oo ku yaala Magaalada Mumbai, halka wiilkiisa Tiger Shroff yahay jilaa caan ah oo aflaamta Bollywoodka sameya.

Jackie Shroff waxa  uu leeyahay hey ado ka shaqeeya sama falka iyo bulshada ku waas oo ka howl gala nawaaxiga magaalada Mumbai, waxaa kale uu leeyahay Shirkad soo saarta waxyaaba kala duwan oo shirka ku yihiin xaaskiida Ayesha.

Taariikhdiisa Jilaanimo: Jackie Filimkii ugu horeeyay uu ka soo muuqdo waxaa lagu magacaabaa Swami Dada wuxuuna keenay sandkii 1982 waxuu ogaaday in uu wax jili karo, waxa uu mar kala helay Filimka Hero oo ahaa 1983-kii waa Filimkii uu ku ogaaday in uu yahay xidig dhameystiran ha noqoto dhanka jamaahiirta taageerta iyo weliba filimka oo noqday mid suuq galay guulna gaaray, kadib waxa uu ka qeybqaatay Filimka Andar Baahar kaas oo ku wehliyay jilaaga Anil Kapoor waxa uuna mar kala helay Jackie Shroff guulo wanaagsan.

Xidigaan waxa uu keenay  wax kabadan 150-Filim waxaa lagu tilmaamaa in uusan weligiis gadaashiisa fiirin inta uu filim jilaayay hanoqoto laadarnimo,comedy,dhalanteed, halgamaa, iyo weliba Jaceyl, waana jilaa magac iyo maamuusba ku dhaxlahaaday bulshada caalamka gaarahaan dalkiisa India.

Guulihii uu gaaray Jackie Shroff: Sanadkii 1990-kii waxa uu helay abaal marinat Filmfare Jilaagii ugu wanaagsanaa, 1994-kii wuxuu u tartamay Filmfare jilaaga labaad,1995-kii waxa uu ku guuleystay Filmfare jilaaga labaada, 1996-kii abaal marinta Filmfare jilaaga labaad Filmkii Rangella, 2001-dii tartan ayuu u galay laadarkii ugu wanaagsanaa, 2002-dii waxa uu mar kale u tartamay Filmfare jilaaga labaad Filimkii Yadin, 2003-dii tartan ayuu u galay jilaaga labaad Filmkii Devdas, 2007-dii waxa uu helay abaal marin sharafeedka ay bixiso qeybta garsoorka midaas oo la siiyo qof kasta oo Bollywoodka wax ku soo kordhiya, sidaas ayuuna ku hantay Mr Jackie Shroff.