Dhalasho Wacan Ayushmann Khurrana Oo Maanta Jirsaday 34 Sano Iyo Xidigaha Uu Bollywoodka Ka Taageero!!

Jilaaga caanka ah Ayushmann Khurrana ayaa maanta u dabaal dagaayey sanad guuradiisa dhalasho isagoo dhashtay maanta oo kale 14 Sep sanadkii 1984 waxuuna si rasmi ah u jirsaday 34 sano maanta.

Ayushmann waa jilaa caan ah oo doorar kala duwan aflaamta kaga soo muuqday laguna amaanay bandhigiisa jilaanimo isagoo markii hore shaqada kasoo bilaaway dhanka Tv-yada.

Khurrana waa xidigii kasoo muuqday musalsalkii caanka ahaa Kayamath ee soomalida u taqaano Baraaji  kaaso sanadkii 2007 la duubay ilaa 2009 duubistiisana socotay..

Dhanka Bollywoodka filmo badan oo caan ah ayuu sameeyay kuwaaso aad loogu amaanay sida Vicky Donor, Dum Laga Ke Haisha, Bareilly Ki Barfi, Shubh Mangal Savdhan iyo kuwa kale oo badan.

Filmkiisa kowaad ee Bollywood ah waxuu ahaa Vicky Donor kaaso la daawaday sanadkii 2012, markaan usoo laabano Ayushmann Khurrana iyo xidigaha uu Bollywoodka ka taageero waxuu taageero weyn u yahay jilayaasha kala ah Amitabh Bachchan, Ranver Singh, Madhuri Dixit iyo Deepika Padukone.

Dhank kale aflaamta uu Bollywoodka ka xiiseyo waxaa kamid ah Tezaab, Shakti, Deewar, Agneepath iyo Hum halka Filmsameyaasha uu la shaqeentoda jecelyahay ay kala yihiin Rajkumar Hirani iyo Imtiaz Ali.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*