Xidiga caanka ah ee la wada jecel yahay Bobby Deol ayaa maanta u dabaal dagayo sanad guuradiisa 51-aad wuxuuna dhashay 27 Janaayo 1969 haddaba shirkada Tips Official ayaa barteeda ay ku leedahay Youtube-ka soo galisay Album Bobby u gaar ah.

Bobby Deol shirkada Tips magaca ay leedahay maanta kaalin weyn ayuu kasoo qaatay xiligii uu ahaa xidig laga dambeeyay asigoo u sameeyay aflaan ganacsi ahaan iyo heeso ahaan hirgaleen sidaa darteed Tips iyagana maanta taageerayaasha Bobby waxay hadiyad uga dhigeen inay soo xuleen qaar ka mid ah heesihiisa ugu shidan ugu caansan oo ay hal Album kasoo saareen.

Album-kan ayaa waqti ahaan soconaayo 18-daqiiqo iyo 44-ilbiriqsi waana mid Bobby Deol u gaar ah waxayna shirkada Tips heesahaan kasoo xushay aflaanta caanka ah Bobby Deol shirkadan u sameeyay sida Soldier, Naqaab, Race 3 iyo kuwo kale.

Fadlan hoos ka daawo heesaha Tips maanta ugu tala gashay taageerayaasha Bobby Deol asigoo sanad guuradiisa 51-aad u dabaal dagayo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here