Dhalasho Wacan Bobby Deol Reer Deol Wiilka Ugu Dheer Iyo Macluumad Ku Saabsan Xidigaan!!

Atooraha Bobby Deol ayaa maanta u dabaal dagaya sanad guuradiisa dhalasho maadama uu dhashtay maanta oo kale 27 bisha January sanadkii 1969 waxuuna maanta si rasmi ah u jirsaday 49 sano.

Bobby Deol waxuu kasoo jeeda qoyska reer Deol kuwaaso kamid ah qoysaska ugu caansan India asal ahaana kasoo jeedan Punjab, aabihiisa waa Super Star Dharmendra halka uu la dhashtay Super Star kale kaaso ah Sunny Deol sido kale Bobby magaciisa dhabta ah waa Vijay Singh Deol.

Booby Deol waxuu kusoo caan baxay filmkii Barsaat (1995) ee ay wada jileen isaga iyo xaaska Akshay Kumar ee Twinkle Khanna.

Bobby aad ayaa loo jeclaaday qaab jiliinkiisa iyo soojiidashadiisaba waxuuna markaa wixi kadambeyay sameyay aflaam guulo taarikhi ah gaaren sido kalena maqaam la mahadsho gaaren.

Bobby Deol aflaamti uu darajada sare ku gaaray sido kalena ilaa maantadan laga xasuusan doono waxaa kamid ahaayen Barsaat, Gupt, Soldier, Badal, Ajnabee, Humraaz, Bichho, Apne, Yamla Pagla Dewana iyo kuwa kale.

Bobby Deol waa atoore hadana kamid ah daawadayaasha sidaa awged dooq gaar ah ayu leyahay iyo xidigo uu taageri u yahay.

Xidigaan waxuu si waali ah u taagera walalkiisa Sunny Deol waana atooraha kaliya ee uu Bollywoodka ka taagero midaasna waxaa ugu wacan qaab jiliinka cajiibka ah ee Sunny shaashada dadka kaga yaabsaday 80kii iyo 90kii.

Sido kale dhanka atirishooyinka xidigaan waxuu taagero rasmi ah u yahay atirishada haatan ugu awooda badan Bollywoodka ee Deepika Padukone.

Dhanka aflaamta uu ugu jecelyahay Bollywoodka waxaa kamid ah Tezaab, Agneepath, Hum, Ghayaal, iyo Ghatak.