Waxaa maanta loo dabaal dagayaa sanad guurada dhalasho xidig India ku faanan oo lagu magacaabo Dharmendra magaciisa si caadi ah waad u maqashay sido kale aflaamtiisana qaar kamid ah waad daawatay balse wax maka ogtahay maqaamka iyo booska uu kaga jiro fanka hindiya waa atoore aan loo dhowaan karin xaqiiq ahaana inta badan aan la buun buunin.

Dharam majiro jilaa ka awood badan marka laga reebo Amitabh Bachchan iyo Hema Malini oo iyaga maqaam ahaan gaarayaan Dharama ama seddexdooda ayaa isku maqaam noqon karaan kaliya hadaba 84 jirkaani iskooradiisa lama taabtaanka ah wax ka baro adiga yaabi doonee:

1-Waa atooraha ugu Hit-ka badan taariikh ahaan Bollywood 60 Filim kudhowaad oo HIT dhameestiran noqdeen ayuu sameeyay (Hit ilaa ATBB)

2-Waa atooraha ugu guulaha badan fanka hindiya 100 Filim kudhowaad oo guuleysteen ayuu sameeyay (Average ilaa ATBB).

3-Wuxuu sameeyay 15 Filim oo Big Blockbusters noqdeen.

4-Wuxuu heystaa iskoor ah hal sano gudihiis tirada ugu badan ee Filim Hit dhameestiran noqday, tirada ugu badan ee Filimo guulesteen hal sano gudihiis iyo sido kale 10 sano xiriir ah atooraha sameeyay tirada ugu badan filimo hit dhameestiran noqdeen sido kalena tirada ugu badan filimo guulesteen mudo 10 sano xiriir ah.

5-Wuxuu sameeyay Hit-ka ugu weyn fanka hindiya taariikh ahaan waana Sholay sido kalena waa Filimka tirada ugu badan dad ah daawadeen maadama ay daawatay 100 Milyan qof.

6-Wuxuu noqday atoorihii ugu awooda badnaa (Star Power) 70-maadkii oodhan (1970-1979).

7-Sido kale waxuu ahaa atooraha labaad ee ugu awooda badnaa 60-maadkii iyo 80-maadkii, 60-kii Rajendra Kumar ayaa fanka hindiya awood ku heestay halka Dharam kusoo xigay sido kalena 80-kii Amitabh Bachchan ayaa awood ku heestay fanka hindiya halka Dharam ahaa atooraha labaad ugu weynaa xiligaas awood ahaan.

8-Waa atooraha kowaad ugu guulaha badan taariikh ahaan fanka hindiya.

9-Waxaa loo aqoonsaday mid kamid ah seddexda Mega Stars ama seddexda jilaa ugu awooda badan fanka hindiya taariikh ahaan waxaana darajadan la wadaagaan Amitabh Bachchan iyo Hema Malini.

10-Waxaa loo aqoonsaday mid kamid ah atoorayaasha ugu maqaamka sareyaan fanka hindiya iyo atooraha labaad ugu caansan India.

11-Wuxuu sameeyay Filim jabiyay iskoor walba dhanka lacaga gudaha India ah tuulaa ilaa magaalo iskooradii yaaleen Filimkiisa Sholay ayaa cagta mariyay.

12- Waxaa u yaalo iskoor ah atooraha kooxaha cajaladaha qeybiyaan saamiga ugu badan Filimadiisa ka helaan daqli aan lasoo koobi karin ayee ka heleen kooxaha cajalada qeybiyaan.

13- Filimadiisa 10 kamid ah waxaa daawadeen 30 Milyan oo qof waana iskoor waali ah.

14-Filimadiisa 2 kamid ah waxaa daawadeen 50 Milyan qof oo tikit ujarteen waana iskoor kale oo cajiib ah.

15-Filimkiisa Sholay waxaa daawadeen 100 Milyan qof waxuuna noqday filimka loogu daawasho badan yahay abid fanka hindiya.

16-Wuxuu sameeyay Filimka labaad abid taariikh ahaan ku furma nidaamka loo yaqaan Bumper Opening waana nidaam waali ah filimka labaad Bumper Opening-ka ugu weyn ku furma Dharama ayaa sameeyay.

Iskooradiisa kale:

Filimada All Time Blockbusters u noqdeen: 2 Filim

Filimada iskoor cusub dhigeen oo ka lacag bateen kuwii hore oodhan: 1 Filim ( All Time Grosser)

Filimka qarniga ugu weynaa fanka hindiya wuxuu noqday Sholay oo uu isaga hogaamiye ka ahaa waxaana xusid mudan ilaa maanta inuu yahay Hit-ka ugu weyna.

Filimka sanadka lacagaha ugu badan soo xareeyay: 5 Filim ayuu ka sameeyay tiro ahaan.

Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here