Superstar-ka reer Telugu Jr. NTR ayaa maanta u dabaal dagay sanad guuradiisa 37-aad wuxuuna siweyn u heestaa baraha bulshada sidaa darteed waxaan idiin heynaa NTR 5-xaqiiqo u gaar ah iyo macluumaad kale oo xiiso badan kuna jirto hantida uu heesto iyo shacbiyada uu baraha bulshada ku leeyahay.

Xaqiiqada 1-aad: NTR magaciisa rasmiga ah Nandamuri Taraka Rama Rao waxaana loogu magac daray awoowgiis Superstar-kii iyo siyaasigii reer Telugu laga dambeyn jiray Nandamuri Taraka Rama Rao.

Xaqiiqada 2-aad: NTR wuxuu fanka Telugu kusoo biiray sanadii 2001 asigoo kusoo caan baxay filimkii Ninnu Choodalani balse wuxuu magac iyo aqoonsi ku yeeshay filimkii Student No. 1 ee SS Rajamouli u sameeyay isla sanadii 2001.

Xaqiiqada 3-aad: NTR waa heesaa kaasi oo filimadiisa heeso ka qaaday waxaana ka mid ah heesihiisa hirgaleen 123 Nenoka Kantri (Kantri), Olammi Tikka (Yamadonga), Rakasi Rakasi (Rabhasa), Follow Follow (Nannaku Prematho), iyo Chary (Adhurs).

Xaqiiqada 4-aad: NTR wuxuu jecel yahay lambarka 9-aad oo uu u rako nasiibkiisa wuxuuna xitaa lacag badan ku bixiyay sidii taarigada ama lambarka aqoonsiga baabuurkiisa uga dhigan lahaa 9999. Sidoo kalena Superstar-kan wax walbo lambarka 9-aad ayuu ka doortaa nolol ahaan.

Xaqiiqada 5-aad: Jr. NTR labo jeer ayuu ku guuleestay abaal marinta Filmfare Awards qaybta atooraha ugu wanaagsan ee Telugu la siiyo wuxuuna ku qaatay filimada kala ah Yamadonga (2008) iyo Nannaku Prematho (2017).

Hantida uu heesto NTR: Superstar-kan wuxuu heestaa hanti gaareyso $60m ($455 Crore) sidoo kalena halkii filim wuxuu ku sameeyaa 30 Crore ($3.95m).

Jr. NTR iyo shacbiyada uu baraha bulshada ku leeyahay: Superstar-kan barta Twitter-ka wuxuu ku leeyahay 4m oo shacbiyad ah, halka Facebook uu ku leeyahay 3.2m saaxiibo ah sidoo kalena Instagram-ka wuxuu ku leeyahay 1.7m taageero ah oo isaga ku xiran taasi oo ka dhigan wadarta guud dhanka baraha bulshada inuu ku leeyahay 8.9m shacbiyad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here