Mass Maharaja Ravi Teja maanta wuxuu u dabaal dagayaa sanad guuradiisa 52-aad wuxuuna dhashay 26 Janaayo 1968 sidaa darteed taageerayaashiisa wuxuu ku farxad galiyay inuu si rasmi ah shaaca kaga qaaday filimkiisa xiga Crack xiliga la daawan doono sidoo kalena aragti kowaad ama kaarto soo jiidasho badan ayuu kasoo bandhigay.

Filimka Crack wuxuu Ravi Teja ku jilaa door askari mayal adag sidoo kalena xarakeyn doono waxaana atirisho kowaad ka ah Shruti Haasan waxaana la daawan doonaa 8 May 2020 waana filim Telugu ama Tollywood ah oo siweyn loo wada sugaayo.

Filimka Crack waxaa Director ka ah Gopichand Malineni oo horey Ravi Teja ugu sameeyay aflaanta caanka ah Yevanda (2013) iyo Don Seenu (2010) markaana mar sedexaad ayay midoobeen ayagoo ku kalsoon filimka Crack inay daawadayaasha ka gadi karaan.

Ravi Teja waxaa saaran culees xoogan madaama xidigan aflaantiisa ugu dambeeyeen dhamaantooda ka wada fashilmeen sida Touch Chesi Chudu, Nela Ticket, Amar Akbar Anthony iyo Disco Raja oo haatan tiyaatarada saaran balse si liidato ku bilaawday oo aan rajo badan laga qabin inuu bad baado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here