Rekha waa mid kamid ah atiriishooyinka Bollywoodka ugu quruxda badan taariikh ahaan waxana ammaan ugu filan inee soo gashay liiska 10-ka atiriisho abid India ugu quruxda badan.

Xidigtaan waxay dhalatay maanta oo kale 10 October sanadii 1954 waxayna maanta si rasmi ah u jirsatay 65 sano cimri ah balse Rekha muuqaalkeeda sidaas looma maleyo inee habar u tahay ee 30 jir ayaa la mooda waqtigaan.

Sababto ah jimicsiga iyo Make-up ayee isugu roonaatay taasi oo kaliftay in muuqaalkeeda ishayo inta badan waxay sameeysay aflaam badan oo guulo waaweyn gaareen in badana laga xasuusan doono.

Rekha atoorihii ay jaceylka xad dhaafka u qaaday dhanka Bollywoodka waa Mega Star Amitabh Bachchan oo maanta 77 jir ah mana iscalfan lamaanahan xiirirkooda 80-maadkii Bollywoodka aad looga hadal hayey.

Munaasabada dhalasho ee Rekha aawged waxaa lasoo bandhigay sawiro ugaar ah xidigtaan oo ay labis kala nooc ah kaga soo muuqatay sida Saariga midabyadiisa kala duwan ileen waa mid Fashion-ka ku xeel dheer hoos ka daawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here