Shirkada Netflix ayaa ku dhawaaqday filimkeeda ugu qaalisan ebid ay sameyso waxaana hogaamiyaal ka ah Superstar-ka reer Tamil sidoo kale filimada Bollywood-ka kasoo muuqdo Dhanush iyo labada Superstar ee Hollywood-ka ka dhex muuqdaan Chris Evans & Ryan Gosling waxaana la sheegay filimkan in si caalami ah loo sameyn doono waqti iyo lacag la galin doono.

Sidoo kale filimkan waxaa door weyn ka cayaari doonto gabadha xidigta ah Ana de Armas, balse xiisaha ugu weyn filimkan waxaa u yeeleen labada walaalaha ah Director ka ahaayeen filimkii Avengers: Endgame in filimkan agaasimi doonaan waa Ruso Brothers ama Anthony iyo Joe Russo.

Filimkan Action-ka ah sidoo kalena macluumaad badan aan laga ogeyn waxaa lagu magacaabaa The Gray Man waxaana la sheegay in filimkan miisaaniyad ahaan xambaarsan yahay $150m waana filimka ugu qaalisan ebid shirkada Netflix maal galiso ayadoo Online ahaan loo daawan doono sanadka nagu soo fool leh 2021 dabyaaqadiisa.

Filimka The Gray Man waxaa la sheegay jadwalkiisa shaqo ahaan inuu qaadan doono mudo 45-maalmood ah sidoo kalena Dhanush waxaa la sheegay in duubista filimkan min bilaaw ilaa dhamaad inuu ka qayb qaadan doono wuxuuna xidigan ku faraxsan yahay in filim caalami ah uu Netflix u sameenayo sidoo kalena jilaayaal iyo filim sameeyaal caalami ahna uu shaqo la wadaagi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here