Kusoo dhawaada qaybta labaad maqaalkeena aan kaga hadleenay jilaayaasha Bollywood-ka ee dharka ugu qaalisan ebid soo xirteen marka ay filimada jilayaan iyo qiimaha ay ku fadhiyaan labiskaas:

Madhuri Dixit: xidigtaan laga dambeeyo waxay soo xiratay marka ay filimka Devdas jileesay mid ka mid ah labisyadii ugu qaalisnaa ee ebid jilaayaasha Bollywood-ka soo gashtaan.

Madhuri Dixit labiskeeda hidaha iyo dhaqanka filimka Devdas wuxuu ku fadhiyay 15 Lakh ($22,727) wuxuuna ahaa labis siweyn dadka usoo jiitay.

Rajinikanth: Super Star Rajinikanth filimkiisii Robot labiska uu soo xirtay sidoo kalena ay naqshadeeyeen Manish Malhotra iyo Mary. E. Vogt wuxuu qiimo ahaan ku fadhiyay 3 Crore ($454,545)!!

Wuxuuna ahaa labis si caalami ah loo diyaariyay madaama uu Rajini matalaayay Robot awood badan siweyna dawaawadayaasha kaga heleen.

Salman Khan: atoorahan awooda badan isagana labis qaali ah ayuu soo xirtay filimkiisa Veer gaar ahaan labiska dagaalka loo qaato.

Salman Khan wuxuu xirtay 6-labiska dagaalka oo kala duwan filimka Veer kaasi oo mid walbo qiimo ahaan ku fadhiyay 20 Lakh ($30,303).

Akshay Kumar: atoorahan awooda badan labiska uu filimkiisa Sing Is Bling xirtay isagana si wacan ayaa loo diyaariyay qarash xoogana wuu ku baxay.

Si rasmi ah waxaa loo xaqiijiyay in Akshay loo sameeyay duub ama koofi dahab lagu xardhay mida Siinga siingaha qaataan wuxuuna qiimo ahaan ku fadhiyay 65 Lakh ($98,484).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here