Waxaan wada ognahay Esha Deol inay bilawgii qarnigan Bollywood-ka kusoo biirtay kadibna aflaan badan sameesay markii dambena saaxada filim jilista ka hartay oo tababar u deerisay madaama horey u socod noqon weesay haatana waayo hooyo guri joogto ah nolol dagana ku jirto.

Balse Hema Malini atirishada ugu awooda badan fanka Hindiya taariikh ahaan oo Esha Deol hooyo u ah ayaa banaanka soo dhigtay in gabadhan marka ay fanka kusoo biireesay aabaheed Megastar Dharmenra marnaba raali ka ahayn sidoo kalena ilaa maantadan uusan Dharam jecleyn inuu shaashada ka daawado gabadhiisa oo Dance sameeneyso ama qoob ka cayaar dheeleyso.

Hema Malini oo ka qayb qaadaneesay barnaamijka mada daalada badan Kapil Sharma Show waxay tiri “Esha markii hore waxay jacleyd Sports-ka iyo Dance-ka kadibna waxay ku fikirtay inay jilaa noqoto laakiin aabaheed Dharamji wuu ka diiday balse anigaa garab ku siiyay inay atirisho noqotaa oo xitaa aabaheed kama heli jirin inay Dance shaashada ku sameyso oo gabadhiisa oo cayaareyso dadka daawadaan.”

Waxaa la dhihi karaa Esha Deol hormar balaaran waxay Bollywood-ka kaga sameen weesay in aabaheed Dharmendra garab ka helin waayo Dharam garab weyn ayuu siiyay wiilashiisa Sunny Deol iyo Bobby Deol waxayna maanta ka mid yihiin atoorayaasha ugu caansan ee taariikh ahaan fanka Hindiya soo mareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here