Dharmendra oo shaaca ka qaaday Rajesh Khanna dartiis inuu habeen dhan qamri u cabaayey Filimkii Anand laga xoogay!!

0
1159

Dharamji waa Mega Star-ka ugu quwada weyn guud ahaan fanka hindiya oodhan mana jirin atoore ka awood badnaa abid kaliyana waxaa lala bar bardhigaa Amitabh Bachchan oo isaga ay isku maqaam ahaayen awood ahaan.

Dharam ayaa shaaca ka qaaday arin xiiso leh xili uu ka qeyb galay barnaamijka Kapil Sharma Show halkaaso uu utagay wiilku awoowga u ahaa Karan Deol inuu kula xayeysiiyo Filimkiisa Pal Pal Dilke Paas waxuuna sheegay jilaagan in Filimkii Anand ee Classic-da ahaa uu isaga markii hore sameeyn lahaa.

Anand waa Filim ay wada jileen Rajesh Khanna iyo Amitabh Bachchan waana mashruuc weyn oo markii dambe laga Copy-gareeyay Filimka Kal Ho Na Ho Rajesh ayaana ku qaatay abaal marinta Filimfare Best Actor halka Big B Supporting Actor la gudoonsiiyay.

Dharam oo ka sheekeynaayo dhacdadan misane ka qosliyay martidii barnaamijka ayaa sida tan yiri,”Director Hrishida ayaa safar isla soo galnah xili aan Bangalore kasoo noqonaayey ayee ahed waxuuna iiga sheekeyay sheekada Filimka Anand isagoo ii balan qaaday inuu hogaamiye iiga dhigi doono balse maalmo kadib waxaan maqlay inuu Rajesh Khann hogaamiye kaga dhigay Filimkii.”

Habeenkii intaan carooday ayaa dhalo dheer (oo qamri ah) soo qaatay misane cabay telefoonka (line-ka) ka wacay waxaan dhahay anigo cabsan’ Filimka aniga iigu talo gashay markii hore maxaa isaga (Rajesh) usiisay iisheeg’ wuxuu idhahay’ Dharam waa xili dambe aan seexdo adna seexo beri subaxii ayaa sheekeysaneena.'”

“Habeenkii oodhan hurdo waan u diiday taleefaanka wuu igu dambiya ana waan wacaa lee anigoo dhaladii i aktaalo misane cabsan marwalba uu iga qabtana waxaan kudhahaa,’waryaa ninka Filimkeyga maxaa usiisay hada iiga soo celi’ habeenkaas waligey ma ilaawi doono hurdadii ayaan udiiday Director Hrishikesh.”

Dharam Paaji iyo Filimsameye Hrishikesh Mukherji saaxiibo ayee ahaayen aflaam badan ayeena isla sameyeen wixii markaa ka dambeyay sida Chupke Chupke oo shactiro ahaa mida kale waa la isku raacay doorkii Rajesh ee Filimka Anand inuusan qof kale abid sameeyn karin sida Rajesh oo kale isaga kaliyana ugaar yahay waxaana lagu xasuusan doona heesaha hirgaleen ee kujiraan sida heeska Blockbuster-ka ah ee Zindagi Kaisi Hai Paheli Haai.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here