Home » Wararka Maanta » Dharmendra waa iskeenay iyo aragtidiisa kowaad filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se

Dharmendra waa iskeenay iyo aragtidiisa kowaad filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se

Superstar Dharmendra wuu soo laabtay markaana waxaa laga soo bandhigay aragtidiisa kowaad filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se oo ay la jilayaan labadiisa wiil Sunny Deol iyo Bobby Deol.

Aragtida kowaad Yamla Pagla Deewana Phir Se  waxaa lagu soo bilaabay Sunny Deol oo kaarto u gaar ah loo sameeyay laguna soo xardhay in 15 Aug 2018 la daawan doono.

Haatana Dharam ayaa iskeenay iyo aragtidiisa kowaad filimkan shactirada iyo jah wareerka badan waxaana ruug cadaagan filimkan ku jilayaa abuukaate xeelad badan oo asigoo 80-jir ah gabdhaha yar yar ku tartamayaan.

Reer Deol waxay isku baheesanayaan maalinta xurnimada Hindiya oo ku beegan 15 Aug inay Akshay Kumar tiyaatarada kula hardamaan oo wato filimka Gold.

Waxaan sugnaaba waa Bobby Deol iyo aragtidiisa kowaad filimka Yamla Pagla Deewana Phir Se  sidoo kalena maalinta berito ah ayaa goos gooska kooban filimkan xiisaha badan lasoo bandhigi doonaa insha Allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *