Shraddha Kapoor ayaa la yaabtay warqad dhowaan soo gaartay oona ah warqad jaceyl iyo wiil ka dalbaday inuu guursado iyada balse iyada ilaa iyo hadda wax jawaab ah kama aysan bixinin waxaase la filaa inee goordhow kasoo hadasho.

Warqada sida tan ayee u qorantahay,”waan ku salaamay Shraddha Kapoor waxaan kuu ahay taageero waali ah waligeyna waan ku taageersanaa taasina waxaa dheer inaan aad kuu jeclahay khaladna ma ahan inaan ku jeclaado waxaase khalad ah inaan dareenkeyga qarsado.”

“Aqoon gaar ah uma lihi dabeecadaada nololeed balse waxaan ka helay dabeecadaada aad shaashada kusoo bandhigtid iyo quruxdaada mudo 3-sano ah ayaana ku jeclahay waan ogahay malaayin Ragg ah inee jiraan oo misane ku jecel.”

“Waxaan rabaa inaan nolosha kula wadaago waxaan ahay 28-jie magaceyguna waa Gaurav Bhatia hanti ama dhaxal ahaan waxaan u heystaa 500 Crore ($70 Million) haka baqin Coronavirus waan ka nabad qabaa oo caafimaadkeyga waan ku dadaala intaasna waa iga kaftan waxaan sugaaba waa jawaabtaada boqoradeydii nolosha.”

Waxaa lawada sugayaa jawaabta Shradda Kapoor inkastoo jawaabteeda Maya u badantahay hadana mucjiso ma dhigi doontaa oo wiilkan ma aqbali doontaa si ay dunida oga yaabsato ileen ma sahlana inaad jaceyl ka aqbasho qof ku taageero adigo caan ah wax aqoona u laheen qofkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here