DHOOLA CADEYNTII UGU DAMBEYSAY Qeybtii 3aad,“Sheeko aniga i qabsatay”

0
853

Markii aan codka maqlay ayaan gadaal dib usoo jaleecay soona fiiriyay dhankii codka gabadha ka yimid mise waaba gabadhii oo aniga ii gacan haatineyso.

Gabadhii ayaa igu dhahday “Cabdiraxmaan ii fiiri meesha waa ciriiri waxba uma jeedo ee darajada ii sheeg”.

Aniga waxaan eegmo ugu dhaqaaqay gabadhii sidii inaan waligey horay u arkin oo kale ayaan u fiiriyay misna indhaha ka buuxsaday ilaa ay gabadhii yaabtay misna xishood dareentay qaabkaan u fiiriyay iyo meesha la taagnaa owgeed.

Gabadhu waxay aheyd gabar xishood badan asluub badan waxayna aheyd gabar aad u cad qurux dabiici ahna ALLE ku maneystay, joog ahaan way dheereyd sidoo kalana dhuubneyd waxayna laheyd dhoola cadeyn qurux badan soo jiidashana leh.

Waxay kamid aheyd gabdhaha Schoolka ugu asluubta wanaagsan uguna qurxoon sidoo kalana waxay aad ugu fiicneyd dhanka waxbarashada iyadoona markasta 5ta darajo ugu sareyso laga weyn jirin.

Anigii markaan dareemay in gabadhii xishood dareentay sidoo kalana la yaabtay qaabka aan u fiirinaayo ayaan buuqii iyo ciriiigii kasoo baxay waxaana ku dhahay meel miyaad u dagdagsantahay?

Waxay iigu jawaabtay “Maya lkn meesha ciriiri ah” markaas ayaan ku dhahay “haa lkn waxaa qurux badan inaad u yara sugto inta ay natiijadooda ka arkayaan dadkaan kale kadibna buuq la’aan tartiib natiijadaada adiga u ogaatid halkii aan aniga kuusoo qori lahaa”

Markaas ayay hadana ii dhoola cadeysay madaxana ii ruxday sidii ay ileedahay waad saxantahay maba oga in dhoolacadeyntaas ay aduunkeyga dhan rogtay markale ayayna saameyn igu sii yeelatay.

Markaas ayaan inta gees ula baxay aan ugu baaqay iney soo gasho qol fasal ahaa oo banaanaa inta ardayda meesha ka kala tagayaan nasiib wanaag wey iga aqbashay qolkii ayaana galnay.

Is wareysi dhanka imtixaanka iyo kaftan yar markaan xoogaa isku tuurtuurnay ayaan dhahay internet ma isticmaashid miyaa?

Maya ayay iigu jawaabtay waxayna ii raacisay xitaa ma aqaano sida loo isticmaalo ee adiga cinwaan ma ii sameynee?

Niyada ayaan iska dhahay reerkaan rabay roob igu eri bacdamaa jaaniskii aan gaadaayay asoo saxan bariis camal ah la isoo hordhigay kaliyana uu iga rabo inaan cuno.

Waxaan ugu jawaabay haa anigaa kuu sameynaayo xiliga aad jeceshay ee goormee is aragnaa?

Waxay iigu jawaabtay; anigaa kusoo wacaayo oo kuusoo sheegaayo lambarkaaga ii qor.

Waxaan durba warqad ugu qoray line-keena iyo lambarkeygaba 62…. Kadibna u dhiibay anigoo farxad saa’id ah dareemaayo waxaana sidoo kale gabadhii ka qortay lambarkeeda anagoo ku balanay inaan isi soo wacno.

Kadib waxaan tagnay darbigii imtixaanka ayadoona natiijada imtixaankeeda qoratay waxaana wajigeeda laga dareemaayay farxad badan.

Aniga arday kale lama hadleynin mana ku mashquulin taas badalkeeda niyadeyda oo dhan waxay jirtay dhanka gabadha waxaana u fiirinaayay sidii in la idhahay dib dambe u arki meysid balse arinka iga farxisay ayaa aheyd sidey gabadha iila falgashay isla markaasna aysan ii cidleynin isla markaasna gabdhaha saaxiibadeed iiga mashquulin waxayna aheyd mid dadka la hadlaayo hadalka usoo koobto.

Aniga durba waxaan bilaabay inaan is weydiiyo sababta ka dambeyso ihtimaamkaan saa’idka ah ay gabadha ii muujineyso iyo hadii gabadha dareenka ila wadaagto waxaana isweydiinaayay macquul ma tahay in iyada xitaa kaa heshay mise waa ixtiraam uun?

Waxaan dhihi lahaa waa ixtiraam balse waxaa taas iga diidaayo why ay dadka kale waqti ula qaadan weysay taas badalkeeda adiga waqtiga kuula qaadaneysaa?

Maxay tahay sababta marka ay indhahaaga iyo indhaheeda is qabtaan u dhoola cadeyso hoosna u fiiriso?

Macquul ma tahay in iyadaba mar hore kaa heshay balse kaa xishooneyso?

La soco qeybta 4aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here