DHOOLA CADEYNTII UGU DAMBEYSAY.“Sheeko aniga I qabsatay”.

0
1055

Waxay aheyd 2008dii waxaana isla sanadkaas ka qalin jabiyay Schoolkii aan dhiganaayay ee Al-Zubeer.

Dufcadeena oo aheyd in kabadan 40 arday ayaan aheyn dufcadii 3aad ee Schoolka ka qalin jabiso waxaana ahaa mid aad u faraxsan maadaama Schoolkii aan mudada dheer soo waday uu inoo dhamaaday shaatigii cadaana siibi doono.

Waxaan xusuustaa maalintii iigu dambeysay waxbarasho School maalintaas oo aheyd maalin arbco ah waxaana galnay imtixaanka maadooyinka Xisaabta iyo Soomaali.

Markii aan su’aashii ugu dambeysay ka jawaabay ayaan macalinkii imtixaanka ilaalinayay warqadii u dhiibay kadibna qalinkii ayaan hortiisa ku jabiyay ayadoo arday badan fasalka ku jirto wajigeygana farxad badan ka muuqato.

Wuxuu I weydiiyay maxaad qalinka u jabisay halkii aad ka dhunkan laheyd?

Waxaan ugu jawaabay; 10 sano ku dhawaad ayaan qalin jabintaan ku fikiraayay marka sharaf ayay ii tahay qalinkii ugu dambeeyay ee aan School wax ku qoray inaan jabiyo si run ahna u qalin jabiyo anoo iskuulkii dhameeyay iyo anoo qalinkiiba jabiyay.

Waxba yaan hadal idinku daalinine gabar kamid aheyd gabdhihii aan isku fasalka aheyn (23 gabdhood ayaan isku fasal aheyn) oo meesha fadhisay imtixaankana ku jirtay ayaa hadalkeyga ku dhoola cadeysay waxayna dhoola cadeyntaas durba soo jiidatay dareenkeyga oo  si kale ayay ii saameysay durbaba gabadhii aan aqaanay maba ahan mid kale ayay ila noqotay.

Waxaan isdhahay gabadhu mudo 4 sano ayaad isku fasal tihiin walina dhoola cadeynteeda sidaan kuuma saameynine sidee wax u jiraan? Anigoo su’aashaas isweydiinaayo ayaana fasalkii kasoo baxay.

Intaan jidka kusoo jiray oo dhan waxaa maskaxdeyda kusoo noq noqoneysay dhoolacdeyntii gabadha iyo qaabka quruxda badan ee ay kaftankeyga ugu qososhay maba u eki ninkii mudo dheer farxada qalin jabinta sugaayay anoo maqane jooge ah ayaana xaafada imaaday.

Waxyaabaha maankeyga ka guuxaayay waxaa kamid ahaa gabadha mudo 4 sano ayaad isku fasal aheydeen is taqaaneen isla kaftami jirteen balse maxay tahay sababta dhoola cadeyntaas haatan qalbigaada u taabatay? Maxay tahay sababta haatan gabadhas uga fikireysid?

Arinta yaabka leh ayaa waxay aheyd inaan is arkay anoo kaxun in Schoolkii uu dhamaaday mardamabana gabadhii is arki doonin waxaana guda galay fikir iyo isla hadal gabadhii la xiriiro.

Waxa aniga sidaas dhan ii badalay waa hal dhoola cadeyn balse aanan aheyn tii ugu horeysay horay ayaan u arki jiray qosolkeeda iyo dhoola cadeynteedaba balse ma aqaano sababta midi ugu dambeysay ay saameyn iigu yeelatay.

Tan ugu daran waxay tahay gabadha Tel kama haayo oo meel aan kala xiriiro ma jirto waxaana shalaay ka qaaday in waqtigii aan isku fasalka aheyn lambarkeeda heli waayay waxaana gudo galay inaan asxaabtii wiilasha isku fasalka aheyn aan mid mid u waco anoo lambarkeeda raadinaayo.

La soco qeybta labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here