Atooraha reer Kannada Dhruva Sarja filimkiisa xiga Pogaru ayuu si rasmi ah shaaca kaga qaaday inuu duubistiisa amba qaadi doono kadib markii uu kasoo kabtay xanuunka Karoona wuxuuna sheegay in 100% uu caafimaad qabo sidoo kalena kooxda filimkiisa kala shaqeeneyso caafimaadkooda lagu dadaali doono.

Dhruva Sarja filimkiisa Pogaru inta badan shaqo ahaan wuu dhameestiran yahay balse waxaa ka harsan heesaha mashruucan ku jiraan sidaa darteed heesaha filimkan ayuu haatan duubis ku bilaabi doonaa waana filim Action ah oo mada daalo dhameestiran leh inta badana waxaa lagu lagu duubay magaalada Bangalore ee xarun u ah reer Karnataka fankooda loo yaqaan Sandalwood.

Dhruva Sarja waa 31-jir Kannada siweyn looga jecel yahay balse dhawaanahan nolol ahaan waqt adag ayaa soo maray waayo walaalkiis ka weynaa oo ahaa atoore laga dambeeyay Chiranjeevi Sarja ayaa geeriyooday labo bilood ka hor halka isaga iyo xaaskiisana xanuunka Karoona ku dhacay balse wuxuu diyaar u yahay inuu shaqada filim jilista kusoo laabto madaama kooxda filimkiisa Pogaru iska leh horey saameynta Karoona dhibaato dhaqaale ugu geesatay.

Sidoo kale Dhruva Sarja wuxuu sheegay inuu codeyn doono filimka Rajamarthanda ee walaalkiisii geeriyooday Chiranjeevi Sarja hogaamiye ka ahaa madaama filimkan uu duuban yahay wuxuuna noqon doonaa filimka ugu dambeeyay ee Chiranjeevi Sarja hogaamiye ka yahay ee la daawan doono.

Marka aan usoo laabano Dhruva Sarja filimkiisa Pogaru waxaa Director ka ah Nanda Kishore halka atirishada caanka ah Rashmika Mandanna shaashada jaceyl ku wada matali doonaan oo filimkan door adag ku leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here