Mararka qaar dhacdooyinka Bollywood-ka ka diiwaan gashan waqti malahan xili walbana waa lasoo xigtaa waxaana markaan dib idiin celineynaa dhowr iyo toban ka hor markii atooraha caanka ah Bobby Deol calfan waayay filimka hirgalay Jab We Met waxaana sabab u ahayd atirishada laga dambeeyo Kareena Kapoor Khan.

Filimka Jab We Met markii kowaad Director Imtiaz Ali wuxuu sheekada la wadaagay Bobby Deol kadibna sheekada Bobby wuu ka helay wuxuuna usoo jeediyay in atirisho kowaad Kareena Kapoor mashruucan looga dhigo.

Bobby Deol wuxuu yiri “Marka hore filimka Jab We Met magaciisa wuxuu ahaa Geet waxaana sheekada ila wadaagay Director Imtiaz Ali waa xiligii uu walaalkey Abhay Deol kusoo caan bixiyay filimkii Socha Natha (2005) aniga ahaan sheekada waan ka helay waxaana u sheegay in Kareena ku fiicnaan lahey mashruucan ila sameyso wuuna iga aqbalay kadiba wuu iga tagay wuxuuna ii sheegay inuu raadin doono shirkad maal galiso.”

Bobby oo hadalka sii wato wuxuu yiri “Imtiaz wuxuu ii sheegay inuu waayay shirkad Jab We Met u maal galiso madaama isku imaatinka Bobby Deol iyo Kareena Kapoor loo arkay inay miisaaniyad culus u baahan tahay waxaana u sheegay inaan heli doono qof filimkan noo maal galiyo.”

Ugu dambeyntii Bobby Deol la’aantiisa ayaa filimka Jab We Met la sameeyay waxaana maal galisay shirkada Ashtavinayak waxaana lagu soo daray mashruucan Shahid Kapoor kadibna markii masraxa la saaray sanadii 2007 HIT weyn ayuu noqday sidoo kalena Kareena waxay ku qaadatay atirishada ugu wanaagsan Bollywood-ka ee shirkada Filmfare Awards bixiso.

Bobby wuxuu yiri “Waxay igu noqotay la yaab markii aan maqlay in Imtiaz sameenayo filim Jab We Met la dhaho magacii Geet meel ayuu iska dhigay waxaana sheekada iibsatay shirkada Ashtavinayak anigana waxaa filimka iga saartay Kareena oo saaxiibkeed Shahid Kapoor mashruuca kusoo dartay sidaas ayay meesha kaga baxay mana ka xumi wixii igu dhacay!”

Ugu dambeyntii Bobby wuxuu sheegay in Director Imtiaz Ali uu iska cafiyay balse mardambe reer Deol ahaan wey aamini waayee filim sameeyahan waayo filimkiisii kowaad Socha Natha waxaa u maal galiyeen reer Deol isagana Bobby ayuu qayaamay waana sababta keentay in Imtiaz mardambe reer Deol uusan la shaqeynin inkastoo iyaga Bollywood-ka kusoo dareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here