Rami reddy waa mid ka mid ah laadiriinta ugu caansanaa bollywoodka xiligii 90s isagoo xitaa si weyn u taqaanay soomaalida kaas ay ugu yeeri jirtay waaq-waaq isaga waxaa lagu xasuusta dhawr door xumaan ah oo kala duwan

sida doorkiisa Colonel Chikara ee filimka waqti hamaara hai waana filimkii uu ugu baxay magaca waaq-waaq waxaana filimkaas hogaamiyaal ka ahaayeen Akshay kumar iyo Suniel shetty rami

waxa uu door dhamaystiran ku lahaa in ka badan 250 aflaamood sida la sheegaayo  isaga waxaa uu u dhintay sadex cudur oo kala duwan isagoo marka hore uu ka xanuunsanaayay beerka kaaso cudur kaga dhacay

waxaana Rami waqtigiisa ugu badan uu ku qaadanaaayay gurigiisa ka dib marka uu xanuunka in yar ka dagay ayaa waxa lagu arkay goobaha bulshada isagoo tabar daran weliba caato ah loona malaynayn inuu Isaga yahay rami

ka dib waxaa cudur ka asiibay dhanka Kaliyaha haddane waxaa ugu sii darsoomay jiro kale taaso ah midka lafaha isagoo marki dambe loo qaaday isbitaal ka dib markii uu muddo ku jiray ayuu 52 sani jirkan geeriyooday sanadkii 14 april sanadkii 2011 waxa uuna ifka kaga tagay hal gabar iyo labo wiil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here