Fanaanada reer mareykanka ee Selena Gomez taasoo dhawaan soo qaaday hees jaceyl misna siweyn u gadmatay oo uu magaceedu yahay Lose you to love me taasoo ay ugu dan laheyd fanaanka reer Canada ee Justin Bieber kaasoo xiriirka u jaray mudo haatan sanad laga joogo ayaa sheegtay in heestaas markii ay soo aliftay uu xanuunkii haayay ka yaraaday.

Heesta oo ah mid digasho ah sida cinwaankeedaba ka dareemi kartid ayay Selene Gomez bishii horay soo qaaday waxaana durba Youtubeka ka daawatay ku dhawaad 150 Million oo ruux.

Selena ayaa sheegtay in heestaan ay aliftay bilowgii sanadkaan xili ay kusii socotay studio wax lagu duubo waxayna sheegtay in ayadoo gaarigeeda saaran aliftay erayada ugu horeeyo ee heesta.

Selena ayaa intaas ku dartay in markii heeskaan alifaadiisa dhameysay ay dareentay iney kabaxday culesykii iyo kalinimadii haayay maadaama uu Justin Bieber iyada jaceylka ku cidleeyay misna ka raacay gabadha Modelka ee Hailey Belwdin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here