Aryan Khan waa curadka ama wiilka kowaad ee ay dhaleen xidigaha caanka ah Shah Rukh Khan iyo Gauri Khan Aryan waxuu kamid yahay caruurta ay dhaleen xidigaha caanka ah ee xili walba sawir qaadayaasha daba socdaan sawirona kasoo qaataan tiro maleh inta jeer ay sawiro ka qaadeen wiilkan.

haddaba Aryan ayaa muujinaya sida uu diyaar ugu yahay inuu dhawaan fanka Bollywoodka kusoo biiro madaama xili walba uu banaanka keeno muuqaaladiisa iyo quruxdiisa gaar ahaan sawir dhawaan uu soo dhigay baraha bulshada gaar ahaa bartiisa instagramka kaaso noqday mid si weyn loo hadal hayo

iyada aabihiisa shah rukh khan dhawaan wareysi siinaya majalada bollywood hungama ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan Aryan injj kusoo biiraayo bollywoodka Shah rukh khan ayaa sheegay in aysan ku haboonayn in laga hadlo isagoo

sidoo kale sheegay in Aryan loo baahan yahay inuu helo waaayo aragnimo dheeraad ah madaama xiligan fanka uu kasii adkaanaayo sidii hore isagoo sheegay inuu mar walba garab taagan yahay caruurtiisa si ay u helaan wax walba ay jecel yihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here