Diinta ay heysato iney atariisho bilado badan kusoo guuleysatay tahay iyo macluumaad u gaar ah gaanjabada umada xakaarisay ee Aziza (Ayda Aksel).

0
8077

-Ayda Aksel Caziiza waxay dhalatay 31dii oktoobar 1962dii waana 57 jir blasé bisha November ayay 58jir noqon doontaa.

-Ayda Aksel waxay ku dhalatay kuna barbaartay magaalada Istanbull.

-Ayda Aksel oo loo yaqaano caziiza waxay waxbarashadeeda ku dhameysay magaalada Istanbul iyadoona sidoo kale qaab jiliinka baratay.

-Caziiza waa atariiso filimada iyo taxanayaasha jisho sidoo kalana waxay qeyb ka tahay jilyaasha ruwaayadaha masraxyada laga sii daayo.

-Caziiza diinteeda waa muslimad islaamka ah.

-Aziiza waxay fanka kusoo biirtay ayadoo aad u yar sanadkii 1980kii waxayna waqtigaas aheyd 18 jir.

-Aziza waxay kasoo muuqatay taxanayaal aad u farabadan kuwaasoo qaarkood abaal marino badan ku qaadatay.

-Aziza haatan waxay qeyb katahay taxanaha hirgalay ee Hercai iyadoona door muhiim ah ka cayaareyso waxayna ku mataleysaa naag u aareyso wiilkeeda la dilay balse qaab xanuun badan u aarsan doonto.

-Caziiza waxay fanka ku jirtaa mudo 39 sano ah iyadoona taxanayaal badan kasoo muuqatay waxayna ku guuleysatay abaal marino badan kuwaasoo 3 kamid ah yihiin atariishada ugu fiican turkiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here