Dhoom 2 waxaa kujira Shumis caan ah oo ay wadaageen xidigaha kala ah Hrithik Roshan iyo Aishwarya waana shumis bishimaha la iskula tagaayo afka afka la isku saaraayo laakiin India oodhan gil gilay sanadkii 2006.

Buuq iyo dhibaato badan ayuu sabab u noqday markii lawada daawaday shumiskaas hadaba marxalada dhibaato uu sabab u noqday iyagoo aan kala qaad qaadnay hoos kaga bogo:

Abhishek Bachchan iyo Hrithik Roshan Safaaradaha Ayee Kala Qaateen:

Waxaa la sheegay in Abhishek ka carooday muuqaalkaas shumiska ah maalintii la duubayeyna maba uusan ogeyn gadaal dambe ayuu ka ogaaday wuuna ka maseeray qaabka naxariista jaceyl iyo rabitaanka dareen ahaan ka muuqday ay u sameyeen Hrithik iyo Aishwarya shumiskaas waxuuba u maleeyay inuu xiriir ka dhaxeeyo mudo ayuu Abhishek ka aamusnaa Hrithik.

Qoyska Reer Bachchan Oo Wado Walba U Mareen Sidii Aishwarya Sharafkeeda Usoo Noqon Lahaa:

Hrithik Roshan, Aishwarya Rai Bachchan posing for the camera

Dhoom 2 markii tiyaatarada la saaray qaban qaabada arooska Abhishek iyo Aishwarya ayaa bilaawday laakiin buuq ayee qoyskan reer Bachchan dhexda ka galeen maadama Aishwarya lagu kacay in la fadeexestana bilaawatay marka qoyskan waxay ku dadaalen sidii Aish sharafkeeda usoo noqon lahaa kahor arooska intuusan dhicin.

Waxaa la sheegay in Amitabh Bachchan la xiriiray shirkada Yash Raj Filims oo Yach Chopea iyo Aditya Chopra iska lahaayen waxuuna ka codsaday inee Filimka ka tiraan muuqaalka shumiska maadama Aishwarya gurigooda loo soo guurin rabo fadeexo badana uu shumiskaas abuuray oday Yach Chopra wuu ogolaaday laakiin Aditya Chopra oo wiilkiisa ah ayaa diiday waxuuna ku adkeestay inaan la masixin muuqaalkaas gabi ahaan dood dheer ayaana dhexmartay isaga iyo Big B inkastoo markii dambe laga heshiiyay guurka Aish kadib.

Aishwarya Dil Ayaa Loogu Hanjabay Afkeeda Ayeena Ka Sheegtay:

Sanadkii 2012 xidigtaa si cad ayee sheekada u sharaxday waligeedna wey iska ilaalin jirtay inee ka hadasho wixii markaa ka horeeyay waxay sheegtay in dil loogu hanjabay iyadoo hadleysa waxay tiri.

“Waa shumiskeygii ugu horeeyay ee aan shaashad kusoo bandhigo sidaa wada ogtihiin marar badan ayaa iska diiday oo reer Hollywood filimaan badan shumis noocaan ah iyo muuqaalo kaleba kujiraan mudo sanado ah markaan diiday lagama maar maana ay noqotay in xiligaan shumiskaas la sameeyo ayaa go’aansaday inaan Filim Bollywood ah ku tijaabiyo inkastoo aan ka shakisnaa in buuq dhalan doono hadana shakigeyga run ayuu noqday.”

a close up of a man and a woman looking at the camera: Aishwarya Rai, Hrithik Roshan's kissing scene in Dhoom 2

“Qoraalo hanjabaad ah ayaa isoo gaareen oo dadka qaar igu qabsadeen sababta anigo Aishwarya ah tusaalena u ah malaayiin gabdho itaageeraan aan u aqbalay shumiska noocaas ah waa run wey jiraan atiriishooyin sameyaan shumiska bishimaha laakiin atiriishooyinkii aan isku jiilka ahen ma sameyaan ee kuwa cusub ayaa sameyaan waana sababta la iigu hanjabay oo la igu dhahay waxaad fasahaadisay gabdho badan kujeclaa oo kugu dayan doonaan.”

Aish si cad ayee usheegtay sababta loogu hanjabay ilaa heer maxkamad ayee sheekadan gaartay oo waa la dacweeyay gabadhaan ku guuleysataya quruxda dunida ayadoo la leeyahay Aish waxay lumisay malaayin gabdho ah anshax xumana u bilaawday maadama xidig weyno lagu daydo ay aheed.

Dhanka kale qaab ay u jishay shumiska waa lagu qabsaday oo waxaa ka muuqday wajigeeda dareen xad dhaaf ah maadama shumiskeeda kowaad uu ahaa wajigeeda dareenka jiliinka ayee ku badisay waana mida dhibka abuurtay arooska iyada iyo Abhishek sidaas ayuu ku baaqan lahaa laakiin markii dambe dadkii wey joojiyeen hadal heynta 2007 arooska lamaanahan si sharaf leh ayuu kudhacay.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here