Shirkada Google ayaa soo bandhigtay sanadkan gaba gabada ku dhow 10-ka filim ee Hindi ah kuwaas oo macluumaadkooda logu baadi goob badnaa Google waxaana hogaaminayo liiskan filimka Dil Bechara waana flimkii ugu dambeeyay ee Sushant Singh Rajput-kiii geeriyooday hogaamiye ka ahaa lana daawaday bishii July.

Inta badan sanadkan 2020 filimada macluumaadkooda loogu baadi goob badnaa barta Google waxay ahaayeen filimo si Online ah looga daawaday Internet-ka sababtoo ah sanadkan tiyaatarada Hindiya wey xirnaayeen mudo 8-bilood ka badan waana sababta keentay in mashaariicdaas Online ahaan looga daawado.

Fadlan hoos kaga bogo magacyada 10-ka filim ee Hindiya macluumaadkooda loogu baadi goob badnaa sanadkan barta Google xogtooda laga raadiyay sida shirkada Google soo daabacday:

1. Dil Bechara Sushant ayaa hogaamiye ka ahaa waxaana laga daawaday barta Disney+Hotstar.

2. Soorarai Pottru Suriya ayaa hogaamiye ka ahaa waxaana laga daawaday Amazon Prime Video.

3. Tanhaji: The Unsung Warrior Ajay Devgn ayaa hogaamiye ka ahaa waxaa laga daawaday tiyaatarada wuxuuna noqday Blockbuster weyn.

4. Shakuntala Devi Vidya Balan ayaa hogaamiye ka ahayd waxaana laga daawaday Amazon Prime Video.

5. Gunjan Saxena Janhvi Kapoor ayaa hogaamiye ka ahayd waxaana laga daawaday Netflix.

6. Laxmii Akshay Kumar ayaa hogaamiye ka ahaa waxaa laga daawaday Disney+Hotstar.

7. Sadak 2 Sanjay Dutt, Alia Bhatt & Aditya Roy Kapur ayaa wada jileen waxaana laga daawaday barta Disney+Hotstar.

8. Baaghi 3 Tiger Shroff iyo Shraddha Kapoor ayaa hogaamiyaal ka ahaayeen waxaana laga daawaday tiyaatarada.

9. Extraction waxaa hogaamiye ka ahaa Chris Hemsworth waxaana kula jireen Randeep Hooda iyo Rudhraksh Jaiswal wuxuuna noqday filimka loogu daawasho badnaa barta Netflix taariikh ahaan haatana qaybtiisa labaad ayaa la sameynaa.

10. Gulabo Sitabo Amitabh Bachchan iyo Ayushmann Khurrana ayaa wada jileen Amazon Prime Video ayaa laga daawaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here