King of Bollywood wuxuu qalbiga ka xaday malaayiin dad ah oo daafaha caalamka kunool taasi oo sababtay qaab jiliic Classic ah iyo hadal macaani uu qofka kusoo jiidanayo taaso sababtay in Ragg Iyo Dumarba lawada jeclaado xidigani.

Waxay aheyd xafladii Apsara Awards ee dhacday sanadkii 2012 taaso lagu abaal marinayey xidigii hore ee Bollywoodka kasoo shaqeyeen kuwooda ugu caansana qaar kamid ah ayaa lagu casuumay si loo gudoonsiyo abaal marin qaas ah.

Hadaba xafladaas qeybta martidaas qaaska ah lagu gudoonsinayey abaal marinta waxaa daadihinayey SRK, waana lagu yaqiina haduu Masraxa soo koro in uu dadka ka  qosliyo ama maan ugu qubeeyo.

Xidigihii hore ee kasoo qeyb galaya waxaa kamid ahaa Dilip Kumar, Rajesh Khanna, Vinod Khanna, Hema Malini, Jaya Bachchan, Sairi (Dilip xaaskisa), Manoj Kumar iyo kuwa kale.

Waxaa dhacday in uu sodhaweynayey xidigahaas mid mdi, hadaba aan wada ogaano hadaladi uu kuso dhaweynayey xidigahaas asigoo masraxa kuraas ugu diyaariyay si dadko dhan ay u arkaan.

Wuxuu yiri asigoo hadalka wato mid midna ugu yeerayo:

“ waxaa udabaal dageena 100 sano oo soojireenka ah Indian Cinema, taaso dunidoo dhan laga aqoonsanyahay manta aflaanta hindiga kuna baahday balse markii ladhaho qalbi ahaan haloo hadlo xaqiiqdi anagu waxba maynan ahaanen manta hadii Mudane Dilip uusan aheyn, waayo manta waxan nahay dad tayesan waxaso dhana waxan ku gaarnay Mudane Dilip anago kudayanena(King of Indian Cinema).”

Waa soo jiidasho qaas ah uu samenayo SRK waa lawada dhanyahay Dilip na wa maqlaya hadalka heer dadkii oodhan ee sacbiyen hadalkaas marke maqlen wayo weywada qirsanyihiin waxa uu SRK leyahy.

Asigoo siiwata hadalka wuxuu yiri,” hadaan nahay niman waan is qurxina Stylekana waan saxna kadiba jeepka ayaan qaadana (Gaari) si aan ugu heesno gabdhaha heeso jaceyl ah uguna bandhigano jaceylkeena balse qof u dhowaan karta ama keeni karta maleh Stylekii atooraha ‘Qurbani’ ee laga daba dhacay Vinod Khan, soodhowow Mudane.”

“ Sida dadka looga yaabsado hadii la aamusanyahay xitaa waxaa looga haray Marwo Jaya, muuqaal iska yar aye shaqo cajiib ah kaaga dhigeysa iyo jiliin heer sare ah taaso ay qalbiga kaga xaday dadka  ( Guddi Mili Radha Uma…) Sodhowow Jaya Bachchan.”

Magacyada Guddi iyo Mili waa aflaan ay sameysay Jaya Bachchan kuwaaso ay magac kuyeelatay SRK amaantisa waa xad dhaaf aya ladhihi karaa waa shaqsi soo jitay xidigahaas dhan, wali wuu siiwata hadalka wuxu yiri.

“ shaqsiga xiga ee an uyeerayo waa qof looga haray sameynta aflaanta jaceylka ah wuu naga ilmeysiyay (naga oohiyay) qaab jiliinkisa oo wacna aawged balse asiga ilaa hada asigoo sida nooga ilmesiyo markaa daawano aflaantisa aya hadana asiga wuxuu dhahaa ‘ Pushpa I Hate Tears’ waan necbahay ilmada iyo ooyinta, waa shaqsi kudayasho mudan waana Super Starkii koowad ee india faldan soo dhowow mudane Rajesh Khanna.”

SRK aaad ayuu u amanaay Rajesh hadalka Pushpa  I Hate Tears waa hadal qabsiga uu marwalba dhihi jiray Rajesh Khanna SRK asna mesha ayuu kashegay hadalkaas (kkkk).

Asigoo Dilip iyo xaaskisa amaanayo soona dhaweynaayo wuxu yiri,” hadaan tusaale usoo qaato dumarka qaasatan Marwo Saira, markaa aan fiirfiiriyo dariska mara Saira gabi ahaanba wan ka jeesta anigoo xirta albaabada dariishadaheyga sababto ah waxaan arkaya waji quruxbadan balse marnaba ma arkaayo quruxdado kale qof leh.”

“ King of Indian Cinema, mudane Dilip sikastoo aan u amaano  styleka Dilip iyo qaab jiliinkisa hadana waxay iila muuqata anigoo waxba amaanin waayo amaan ka weyn ayuu u qalmaa.

“Ani ahaan waxaan dhihi lahaa Dilip waa wakiilka iyo hormuudka fanka hindiya waligeedna lama heli doono qof asigoo kale ah, waxaan kusiinay nafsadeena iyo qalbiyadeena jaceylka aan kuu qabno dartiis mudane Soodhowow.”

Halmar ayaa lawada kacay markuu SRK hadalkaas dhahay ayado lasoo dhaweynaayo waxaa hubaal noqotay in Dilip Kumar oo xiligaas da’[ ahaa ilmeeyay hadalka SRK dhahay dartiis.

Sido kale wuxuu SRK ugu daray asigoo kahadlaayo Dilip,” hindiya oodhan hadii lagu soo wareego lagama soo dhexsaari karo mudane Dilip oo kale qof gaari karta majirto waligeed darajada uu manta jogo Dilip hadii uu iskudayo qof inuu gaaro darajadaas ookalena qofkaas waa qof nacas anigoo kale ah.”

Ugu dambeyn SRK wuxuu kusoo qatimay amantisa hal qof qofkaasna waa Hema Malini  wana mida dadko oodhan kawada qoslisay waliba said wuxuu yiri,” Marwo Hema waa gabadha riyada ee aduunka, waxaan ka baqayaa hadaan amaanta badiyo in Dharaamji qoorta intuu iqabto igaraaco (kkkkk), balse siduu doono haiigaracee wan wada amaanta Hemaji waxaa tahay hawey neyda dunida ugu quruxda badan waxaadna tahay directorka filimkeygii ugu horeyay soodhowow marwo.”

Xaqiiqdi SRK amaantisa waa mid lala dhacay oo dadko dhan marna ka qoslisay marna qiiro galisay sidaas ayaana lagu wada gudoonsiyay abaal marinta ay uqalmeen xidigahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here