Jilaaga rug cadaaga ah ee Bollywoodka Dilip Kumar ayaa u dabaal degay sanadkiisi 98aad, waxaana jilaagu kamid yahay xiddigaha ugu cimriga dheer Bollywoodka ee nool xiligaan.

Xidigaan wuxuu dhashtay 11 December 1922 magaciisa rasmiga ahna waa Muhammad Yusuf Khan waana nin muslim ah.

Dilip Kumar ayaa sidoo kale kamida jilaayasha ugu taariikhda fog Bollywoodka, inta badan noloshoodana kusoo qaatay shirkaddaan, isagoo wax ka badan 70-sano ku jiray.

Filimadii ugu horeeyay ee Dilip jilay waxaa kamida: “Andaz” (1949), the swashbuckling Aan (1952), the dramatic “Devdas” (1955), the comical “Azaad” (1955), the historical “Mughal-e-Azam” (1960) iyo the social “Ganga Jamuna” (1961).

Dowladda India ayaa Dalip Kumar horay ugu sharaftay abaalmarinta “Padma Bhushan award 1991 ” iyo sidoo kal abaalmarinta Dadasaheb Phalke Award 1994 .

Sidoo kale waxaa bilowgi sanadkii 2015 lasiiyay Dilip, abaal marinta Padma Vibhushan, eyagoo lagu sharfay kaalintii uu ka ciyaaray filimada India.

Dilip waa nin ay India oodhan jecelyihiin taagerana uyihiin waxaana xusid mudan in Sedexda Khan, Amitabh Bachchan iyo ragg kale taagero u yihiin xidigaan maadama khans-ka iyo Big B kuwa ugu magaca weyn yihiin manta India.

SRK oo hada kahor Dilip Kumar amaanayo misane kahadlaayo wax qabadkiisa wuxuu yiri,“ King of Indian Cinema, mudane Dilip sikastoo aan u amaano  styleka Dilip iyo qaab jiliinkisa hadana waxay iila muuqata anigoo waxba amaanin waayo amaan ka weyn ayuu uqalmaa.

“Ani ahaan waxaan dhihi lahaa Dilip waa wakiilka iyo hormuudka fanka hindiya waligeedna lama heli doono qof asigoo kale ah, waxaan kusiinay nafsadeena iyo qalbiyadeena jaceylka aan kuu qabno dartiis.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here