Maalin wanaagsan asaxaabta qiimaha badan meel walbo dunida ka joogtaan kusoo dhowaada falanqeynta goos gooska xalqada 41aad taxanaha Hercai xalqadaaso jimcaha la daawan doono.

Marka hore waxaan idiin xasuusineena in bishii Febraayo sanadkaan bilaawgiisa aan idiin sheegnay in Miiraan hooyadiis Dilshaah soo baxeyso arinkaan hordhac ahaan iyo saadaal ahaan ayuu ahaa iyo warar hoose aan helnay.

Warkaan kanaalkeenana waan ku sheegnay ee Filimside Media ah sido kalena halkaan qoraal ahaan waan idiin kugu sharaxnay balse in badan oo idin kamid ah waxay na dhaheen waa been badantihiin macquul na ma ahan in Dilshaah soo baxdo.

Hadaba aan idiin xasuusinee maxay ahed sababta aan ugu adkeesanay inee Dilshaah soo bixi doonto?

Waxkale ma ahan Dilshaah qabrigeeda kaliya nala tusay iyo inee xabad ku dhacday balse nalama tusin qaabke kudhimatay sir weyn ayaa ku qarsoon halkaas iyo Hazar oo xasuusta wali ka maqan waana shaki jiri karo inee Dilshah nooshahay.

Hadaba goos gooska labaad waxaan ku aragnay madatuusha Dilshah oo wajigeeda nalama tusin balse iyadoo ayeeyo shakraan u timid hadana iska qarisay ayaa aragnay marka wey soo bixi rabtaa ama xalqada jimcaha lagu arkaa ama mida xigta.

Sido kale goos gooskan waxaan ku ogaanay in sir weyn jirto oo Caziiza qarineysa waxaana u kabo gashteen Reyan aabahed, Aslan Aslanbey iyo Harun oo goordhow soo saari donaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here