Directed Rohit Shetty oo wado cusub u furay Bollywoodka jidkii Hollywoodkana marsiiyay!

0
1605

Rohit Shetty waa Directed looga haray filimada Actionka iyo Commedyga asigoona horay u sameeyay filimo guulo waaweyn gaaray qaarkoodna Blockbuster noqdeen sida taxanaha Golmaal qeybihiisa kala duwan, Simmba, Singham labadiisa qeyb iyo Chennai Express.

Hadaba Rohit Shetty ayaa wado cusub u furay Bollywoodka kadib markii uu soo koobiyeeyay Hollywoodka gaar ahaan in jilayaasha doorarka ay filimada qaar ku matalaan hal filim la isugu keeno, kadib markii uu Ajay Devgn doorkiisa Singham kaga soo muuqday filimka Simmba waxaana labada filimba Directed ka ah Rohit Shetty.

Sidoo kale Ajay iyo Ranveer doorarkooda kala ah Singham iyo Simmba waxay kaga soo muuqan doonaan filimka Sooryavanshi ee uu hogaaminayo Akshay Kumar halka Rohit Shetty Directed kayahay, waxaana filimkaan oo baaqday bilowgii sanadkaan la daawan doonaa sanadka cusub bilooyinka ugu horeeyo.

Wadada uu Rohit Shetty qaaday misna kaga deysaday Hollywoodka waxaa iyagana raaceen shirkada Yesh Raj Films kadib markii ay shaaciyeen in Mega Star Salman Khan doorkiisa Tiger kaga soo muuqan doono filimka Pathan ee uu hogaaminayo Shahrukh Khan.

Sidoo kale Yesh Raj Films waxay sheegtay in SRK doorkiisa Pathan asigana kaga soo muuqan doono filimka Tiger 3, intaas kuma ekaanine sidoo kale waxaa la isla dhexmarayaa in SRK, salman Khan iyo Hrithik Roshan hal filim lagu mideyn doono ayagoona kala matalaayo doorarkooda filimada Pathan, Tiger iyo War.

Sidoo kale waxaa ku wehlin doono atariishooyinka Katrina Kaif iyo Deepika Padukone oo qeyb ka ah filimada Tiger iyo Pathan, waxaana xusid mudan in sadaxdaan filimba ay iska leedahay shirkada Yesh Raj Films.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here