Tiger Shroff iyo Shradha Kapoor ayaa waxa ay mar kale dib ugu midoobayn taxanaha filimka Baaghi qaybtiisa sadexaad waana filim si weyn loo xiiseemaayo daawashadiisa maadaama filimkan lagu bartay in lagu soo bandhigo Action aan caadi ahayn

iyadoo Director Ahmed Khan markan go’aansaday inuu filimkan kusoo daro door wacanna kasiiyo Satish Kaushik kaaso ku caan baxay aflaamta 90s gaar ahaan doorarkiisa shactirada

Ahmed ayaa hore lasoo shaqeeyay Satish Kaushik gaar ahaan filimka Mr. India sanadkii 1978 waxaana Ahmed filimkan uu ku jilaayay door caruur ah halka Satish Kaushik filimkan uu ku lahaa door weyn oo caan ah

waana arrin caajiib ah in muddo badan ka dib Ahmed uu Director u noqdo Satish Kaushik filimkan waxaa duubistiisa muddo labo usbuuc ka hor iyadoo filimkan hore lagu soo daray aktarka Ritesh Dushmukh iyo Ankita Lokhande hadda waxaa filimka lagu soo daray Satish Kaushik

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here