Home » Nolosha Jilaayaasha » Director Ali Abas Zafar oo ka hadlay in Bobby Deol iyo Katrina Kaif filimka Bharat Salman la sameenayaan

Director Ali Abas Zafar oo ka hadlay in Bobby Deol iyo Katrina Kaif filimka Bharat Salman la sameenayaan

Maal mihii ugu dambeeyay waxaa siweyn loo hadal haayay in Bobby Deol lagu soo daray filimka Bharat ee Mega Star Salman Khan hogaamiye ka yahay.

Sidoo kalena waxaa la sheegay in Katrina Kaif filimkaan atirisho kowaad ka noqon doonto waana filim bisha April 2018 duubis lagu bilaabayo halka Eid 2019 la daawan doono.

Waxaa la sheegay in Salman Khan uu ka helay qaab jiliinka Bobby Deol filimka Race 3 oo ay hada isla duubayaan una soo jeediyay Bobby inuu filimka Bharat qayb ka noqdo kana aqbalay.

Director Ali Abas Zafar ayaa ka aamusi waayay xantaan saxaafada Hindiya hadal heyso in Bobby Deol iyo Katrina Kaif filimka Bharat lagu soo daray.

Ali Abas Zafar bartiisa Twitter-ka wuxuu kusoo qoray “Jilaaga kaliya ee Bharat si rasmi ah u saxiixday waa Salman Khan”

“Waan ka xumahay fasax uma qabo inaan faah faahin badan Bharat idinka siiyo laakiin waxaan idiin xaqiijin karaa Salman oo kaliya inaan la saxiixanay cid kale lama saxiixanin”

Sidaa darteed Director Ali Abas Zafar wuxuu biyo qaboow ku shubay hadal heynta ah in filimka Bharat Bobby Deol iyo Katrina Kaif wax ka jilayaan.

4 Responses to Director Ali Abas Zafar oo ka hadlay in Bobby Deol iyo Katrina Kaif filimka Bharat Salman la sameenayaan

  1. Fatxi

    February 14, 2018 at 9:14 am

    asc sxb Bobby deol film laguma sodarin miyaan dhihi karna mise directorka safar eey is ku ficneyn wax film ah islama sameyn ayn fila boby iyo safar jwb

    • Zakarie Abdi

      February 14, 2018 at 9:28 am

      Wax rasmi ah ma jiraan Director Ali Abas Zafar kaliya xanta xoogeesaneyso ayuu ka hortagaayay ee ma jirto cid kale oo la saxiixday marka Salman laga reebo aan wada sugno xaqiiqada rasmiga ah iyo cida Salman filimkan la jileyso hadii Bobby Deol ka qayb noqonaayo ama uusan ka noqoneyn.

  2. Maw

    February 14, 2018 at 11:39 am

    Filimside noo soo sheega tzh halka uu hiigsadau plz malkn kasto wam firiya mana arke

    • Zakarie Abdi

      February 14, 2018 at 11:43 am

      Sxbkeen anagana maalin walbo waa ku jawaab celinaa TZH ganacsi maalinle la sheegi karo hada ma jiro waayo tiyaatarada oo dhan Padman iyo Padmaavat ayaa heestaan waxaan sugnaa kaliya waa soo bandhiga TZH ganacsigiisa uu cimri ahaan sameeyay.