Director Anees Bazmee wuxuu qaatay masuuliyada filimkii Classic ahaa ee cabsida iyo shactirada isku jiray Bhool Bhulaiyaa ee sanadii 2007 Superstar Akshay Kumar sameeyay kana dhigay Super Hit weyn inuu qayb labaad ka sameeyo waxaana loo bixiyay Bhool Bhulaiyaa 2 ayadoo hogaamiye looga dhigay Kartik Aaryan.

Haddaba Director Anees Bazmee wuxuu banaanka soo dhigay xushmada balaaran ee uu Akshay Kumar u haayo madaama uu horey ugu sameeyay filimada Singh Is King, Welcome, Thank You iyo kuwo kale wuxuuna filim sameeyahan diiday in Akshay lala bar bar dhigo Kartik Aaryan oo kabihiisa gashtay.

Drirector Anees Bazmee wuxuu yiri “Waa cadaalad darao in Akshay Kumar lala bar bar dhigo Kartik Aaryan, waayo Kartik waa wiilka fanka ku cusub halka Akki fanka maqaam sare ka gaaray sidoo kalena laguma gaaro sameynta aflaanta shactira iyo door walbo marka waa qalad in saxaafada hadalka u dhigaan in Akshay laga maarmay marka la go’aansaday in Bhool Bhulaiya 2 la sameeyo ee isaga xitaa wada tashiga qayb ayuu ka ahaa wuuna ku faraxsan yahay in Kartik Aaryan qaybta labaad hogaamiye ka noqdo.”

Filimka Bhool Bhulaiyaa 2 Kartik Aaryan waxaa la jileyso Kiara Advani qorshahana wuxuu ahaa in 31 July 2020 la daawado balse filimkan weli duubis ayaa u harsan haatana Hindiya bandow ayaa saaran sidaa darteed waxay u badan tahay in daawashada filimkan dib u dhac ku imaan doonto waxaana soo saare ka ah Bhushan Kumar oo shirkada T Series madax u ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here