Filimka Om Shanti Om waa Blockbuster taariikhi ah oo sanadii 2007 agaasintay gabadha lagu magacaabo Farah Khan halka SRK uu hogaamiye ka ahaa sidoo kalena Deepika Padukone ayaa lagu soo caan bixiyay waxaana filimkan ku jirtay heeskii hirgalay Deewangi Deewangi ee jilaayaasha ugu badan kasoo muuqdeen waxaana ka mid ahaayeen xidigahii kasoo muuqdeen Shah Rukh Khan, Saif Ali Khan, Salman Khan, Sanjay Dutt, Dharmendra, Jeetendra, Mithun Chakraborty, Suniel Shetty, Karisma Kapoor, Rekha, Preity Zinta, Kajol, Priyanka Chopra, Malaika Arora, Arbaaz Khan, Amrita Arora, Bobby Deol iyo kuwo kale.

Haddaba 12-sano kadib Farah Khan ayaa xaflada International Film Festival of India (IFFI) oo magaalada Goa (Goobaay) dhawaan lagu qabtay ka sheegtay sababtii Aamir Khan heeskan hirgalay kaga soo muuqan waayay waxayna tiri “Waxaa rabay Aamir Khan inuu heeskeyga Deewangi Deewangi kasoo muuqdo waxaana rabay hal muuqaal inaan ka wada duubo Sedexda Khans. Aamir wuu i waalay mudo 10-maalmood ah ayaan jawaab ka sugaayay. Laakiin ugu dambeyntii wuxuu ii sheegay inuusan heeskeyga kasoo muuqan karin madaama uu ku mashquulsanaa xiligaas faaf reebista filimkiisa Taare Zameen Par waana ka niyad jabay balse go’aankiisa ayaan ku tixgaliyay.”

Sidoo kale Farah Khan waxay sheegtay mudo kadib markii ay Aamir Khan la kulantay inuu ka raali galiyay diidmadii uu siiyay wuxuuna sheegay gabi ahaanba inuu kasoo horjeeday in hal hees uu jilaayaal aad u fara badan kala soo muuqdo gaar ahaana codsigii ahaa in isaga, Salman iyo SRK hal muuqaal laga wada duubo uu ka didsanaa xiligaas.

Ugu dambeyntii Farah Khan waxay sheegtay in Superstar Dilip Kumar rabtay inuu heeskan kasoo muuqdo hawshaasna SRK u xil saartay balse aysan suura galin. Haddaba aan xasuus hore idin galino fadlan markale hoos ka daawo heeska Deewangi Deewangi:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here