Waan ka xunahay filimka weyn 83 ee Ranveer Singh hogaamiye ka yahay waxaa la daawan lahaa 10-kii April 2020 balse Hindiya xaalada ay gashay awgeed mashruucan daawashadiisa dib u dhac ayaa ku timid sidoo kalena qolyaha iska leh waxay beeniyeen in si Online ah loo daawan doono waxayna sheegeen kaliya inay sugan doonaan marka xaalada caadi kusoo laabato kadibna masraxa la saari doono.

Haddaba Director Kabir Khan oo filimka 83 agaasimay ayaa sheegay in hal sano iyo bar ku qaadatay diyaarinta sheekada mashruucan weyn waxaana looga hadlaa nolosha kabtankii xulka Hindiya u qaaday koobkii aduunka kowaad ee cayaarta Cricket-ka Kapil Dev sanadii 1983 iyo wax yaabihiisa xiisaha badnaa ee laga diiwaan galiyay dhacdadaas taariikhiga ah.

Kabir Khan wuxuu yiri “Ma ahan wax sahlan in la diyaariyo qaabkii Hindiya ku qaadeen koobkii aduunkooda kowaad sanadii 1983 iyo nolosha kabtan Kapil Dev sidaa darteed waxaan u baahnaa hal sano iyo bar inaan sheekada filimkan dhan walbo ka diyaariyo kadib ayaan la wadaagay kooxda ila shaqeesay oo ugu horeeyay Ranveer Singh oo aan aaminsanaa 100% doorka nolosha kabtan Kapil inuu isaga shaashada ku matali karo.”

Sidoo kale Kabir Khan waxaa la weydiiyay inuu la tashtay ama uu la wadaagay fariinta filimkan kabtan Kapil Dev wuxuuna ku jawaabay “Haa dabcan marka kowaad isaga iyo reerkiisa ayaan ogolaanasho weydiistay wuuna soo dhaweeyay fikradaas kadibna markii aan sheekada diyaariyay waxaan la wadaagay Ranveer inuu doorkiisa matalaayo wuuna ka helay sidoo kalena isaga ayaaba Ranveer iyo dhamaan kooxda filimkeena 83 tababarka aas aasiga ah cayaarta Cricket-ka siiyay, marka kaalin weyn ayuu Kapil ku leeyahay agaasinka iyo diyaarinta filimkeyga.”

Ugu dambeyntii Director Kabir Khan wuxuu sheegay inay ku adkaatay diyaarinta nus dhamaadka iyo Finaalka tartanka Cricket-ka madaama la rabay dad badan in garoonka la isku keeno sidoo kalena waqtiga uu cariiri ku ahaa wuxuuna u mahad celiyay dhamaan kooxda filimkiisa 83 oo ugu horeeyo Ranveer Singh oo xitaa ka dambeeyay in xaaskiisa Deepika Padukone filimkan lagu soo daray ayadoo Ranveer marwadiisa ku matali doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here