Director-kii filimka Phir Hera Pheri sameeyay Neeraj Vora oo geeriyooday

Neeraj Vora wuxuu ahaa jilaa, qoraa iyo filim sameeye kaasi oo lagu xasuusan doono inuu Director ka ahaa filimka Super Hit-ka weyn noqday Phir Hera Pheri (2006).

Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in Neeraj Vora  uu geeriyooday maanta 4:00 habeenimo saq dhexe xili waabarka Hindiya la gali rabay maanta oo Khamiis ah taariikhdana tahay 14 December 2017.

Soo saare Feroz Nadiadwala oo 12-kii bilood ugu dambeeyay baxnaaniyay filim sameeye Neeraj Vora ayaa xaqiijiyay geeridiisa wuxuuna yiri “Neeraj wuxuu geeriyooday saakay aroortii 4:00 am asigoo in mudo ah xanuun sanaa waxaana waayay walaal iyo shaqsi aad u wanaagsan oo aan in mudo ah isla soo shaqeenay”

Neeraj Vora ayaa mudo iska xanuunsanaa kadib markii dhiig maskaxda kaga furtay kaasi oo sababay inuu bareelas noqdo sariirna ka dagi waayo mudo sanad ka badan.

Waxaa loo hakiyay sameynta filimka Hera Pheri 3 asiga dartiis madaama uu Director ka noqon lahaa balse xaaladiisa caafimaad ayaa u diiday in mashrucaan uu ka hawl galo.

Neeraj Vora sidoo kale wuxuu ahaa qoraa asigoo qoray sheekooyinka filimada Rangeela & Daud iyo kuwo kale sidoo kalena wuxuu caan ku ahaa sameynta doorarka shactirada ah asigoo kasoo muuqday filimo kala duwan oo ay ka md yihiin Akele Hum Akele Tum, Daud, Satya Mann, Welcome Back iyo kuwo kale.

2 Comments

  1. Waxaan Filayaa inuu Yahay Jilaagi sida wayn noo MadaDaliyay Filimkii Har Dil jo pyaar karega ee Salmaan khaan

    Hadaan idin waydiiyo Su’££l Aflaanta markan Dawanayno waxaa qasab ah inaan ku dhax Aragno Laba Kalmad oo ah (DD) maxaa loola Jeeda Thanks Filimside

  2. waalawadasocdaa lkn walakalahoreyaa waxo ahay nin shactiradisa aan jeclaay waxanakuxasustaa filmka mann

Comments are closed.