Waxaa kasoo wareegatay 25-sano markii la daawaday filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Karan Arjun ee Salman Khan iyo Shah Rukh Khan wada jileen waxaana Director ka ahaa ama agaasimay Rakesh Roshan waana mid ka mid ah aflaantii ugu caansanaa oo ay Bollywood-ka sameeyeen 90-maadkii.

Haddaba filim sameeye Rakesh Roshan ayaa shabakada Bollywood Hungama la wadaagay arn ku aadan haddii Karan Arjun dib loo sameenayo atoorayaasha ku haboon hogaamintiisa wuxuuna dhahay “Salman iyo SRK si heer sare ah ayay u mataleen Karan Arjun sidaa darteed haddii aan damco maanta inaan dib u sameeyo waxaa la heli karaa atoorayaal tayo wanaagsan oo kaalintooda qaadan karaan waxaana hogaaminta dib u sameynta u dhibi lahaa Hrithik Roshan iyo Ranbir Kapoor.”

Sidoo kale Rakesh Roshan oo hadalka sii wato wuxuu dhahay “Xitaa Hrithik iyo Ranveer Singh dib wey u sameyn karaan Karan Arjun waayo waa labo atoore oo si wacan isugu soo baxayaan haddii ay shaashada kasoo wada muuqdaan waana ku fikiraa mustaqbalka dhow inaan Karan Arjun dib u sameeyo.”

Rakesh Roshan sidoo kale waxaa la weydiiyay in xiligan suurta gal tahay labo atoore ama sedex atoore hal filim kasoo wada muuqdaan sidii 90-maadkii oo kale wuxuuna dhahay “Waa arin adag xiligaan la joogo waayo ma sahlano diyaarinta sheeko labo atoore si isku mid ah logu qeybin karo laakiin haddii waqti badan la galiyo diyaarinta sheeko dheeli tiran markaas waa macquul labo atoore awooda in loo qeybiyo wax culees ah markaas malahan sidoo kalena miisaaniyada ku baxeyso ayaa culeeskeeda wadato marka sida guud ma sahlano mashruuc labo atoore weyn hogaamiye ka yihiin xiligaan la sameeyo.”

Aqriste aragtidaada ka dhiibo haddii dib loo sameenayo filimka Karan Arjun yaa ku haboon Hrithik iyo Ranbir ama Hrithik iyo Ranveer?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here