Filim sameeyaha xarakada badan Rohit Shetty sidoo kalena looga haray sameynta aflaanta mada daalada dhameestiran leh ayaa si rasmi ah usoo bandhigay filimka Hollywood-ka ah Bad Boys For Life xiliga rasmiga ah gudaha Hindiya laga daawan doono sidoo kalena muuqaalkan Rohit ku xarakeeyay wuxuu wax yar kusoo dhex daray filimkiisa Sooryavanshi aragti looga baahnaa.

Haddaba Rohit Shetty oo xarakaneeyo wuxuu Video-gan shaaca kaga qaaday in Bad Boys 3 gudaha Hindiya laga daawan doono Jimcada dambe ama 31 Jan 2020 waxaana hogaamiyaal ka ah Will Smith iyo Martin Lawerance weliba filimkan gudaha Mareekanka HIT ayuu ka noqday iyo suuqyada caalamka.

Laakiin Rohit wuxuu qof walbo kuso jiitay marka uu muuqaalkan kusoo dhex daray ilbiriqsi yar oo u gaar ah filimkiisa Sooryavanshi weliba muuqaalkan waxaad arki kartaa Akshay Kumar hogaamiyaha Sooryavanshi oo labiska booliska xiran sidoo kalena ka garab dagaalamayaan Ajay Devgn doorkiisa Singham iyo Ranveer Singh doorkiisa Simmba oo labiska ciidanka wataan waxayna midaan sare usii qaaday xiisaha loo qabo daawashada filimkan oo ku beehan 27 Mar 2020.

Fadlan hoos ka daawo Video-ga 42-ilbiriqsi soconaayo ee Director Rohit Shetty ku xarakeeyay sidoo kalena labo fariin muhiim ah kusoo gudbiyay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here