Waxaan wada ogeyn sanadii 2002 in Director Sanjay Gupta uu sameeyay filimka weyn Kaante ee hogaamiyaal ka ahaayeen Amitabh Bachchan, Sanjay Dutt, Sunil Shetty, Lucky Ali, Mahesh Manjrekar iyo Kumar Gaurav wuxuuna noqday filim Classic ah oo ilaa haatan siweyn loo xiiseeyo daawashadiisa dhan walbo.

Sidaa darteed Director Sanjay Gupta wuxuu sharaxaad ka bixiyay filimka Kaante qaabka qayb labaad looga sameenayo madaama lixda atoore mashruucan hogaamiyaal ka ahaayeen dhamaadka filimkan geeriyoonayaan ama iyaga is diliyaan wuxuuna yiri “Kaante waa filim igu weyn qof walbana uu jecel yahay daawashadiisa in mudo ah waxan ku taamayay inay qayb labaad oo sheekada filimkan la xariirto balse dhacdo ahaan ka madax banaan sameeyo.”

Gupta oo hadalka sii wato wuxuu yiri “Waad ogtihiin hogaamiyaashii Kaante inay geeriyoodeen balse waxaan diyaariyay sheeko filimkan la xariirto waxaana magac ahaan u bixinay Khotey Sikkey wey kasoo muuqan karaan hogaamiyaashii Kaante mana kasoo muuqan karaan laakiin waa labo dhacdo oo xiriir ka dhaxeeyo.”

Gupta oo filimkiisii ugu horeeyay agaasimay ahaa Aatish lana daawaday sanadii 1994 waxaa la weydiiyay xiliga filimka Khotey Sikkey shaqadiisa bilaaban doonto wuxuuna yiri “Haatan waxaan ku mashquul sanahay duubista filimkeyga Mumbai Saga oo la daawan doono 19 June 2020 marka ay mashruucan hawshiisa dhameeyo kadib ayaan shaaca ka qaadi doonaa jilaayaasha filimka Khotey Sikkey hubanti ahaana atoorayaasha Bollywood-ka ugu caansan ayaa kasoo muuqan doonaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here