Madaama Hindiya bartanka kaga jirto 21-maalmood bandow ah oo aan guryaha laga soo bixi karin si Coronavirus looga guuleesto. Sidaa darteed dhamaan howlihii socdeen iyo waxbarashada wey istaageen waxayna jilaayaasha Bollywood-ka qayb ka noqdeen dadka xaaladan adag saameynta xoogan ku yeelatay.

Haddaba Director Sanjay Gupta asigoo gurigiisa ku sugan ayuu shaqadiisa wataa wuxuuna baraha bulshada shaaca kaga qaaday inuu bilaabay faaf reebida filimkiisa weyn Mumbai Saga oo duubistiisa soo idlaatay intii Hindiya xaalada deg deg ah galin oo dadka bandow lagu soo rogin.

Filim sameeye Gupta wuxuu sheegay in isaga iyo faaf reebihiisa filimkan Buny Nagin ay si Online ah ama Internet-ka toos ugu wada xariiraan ayagoo ka wada shaqeenayaan faaf reebida filimka Mumbai Saga madaama shaqadiisa xili hore dhamaatay filimkan muuqaal walbo oo aan loo baahneyn ayaa laga jari doonaa si loo soo saare filim dhameestiran oo watqi ahaan kooban lagana jaray muuqaal walbo oo aan loo baahneyn ama daawadayaasha lala wadaagi karin.

Mumbai Saga waa filim weyn oo la qorsheenayo in la daawado 19 June 2020 waa haddii xaalada Hindiya caadi kusoo laabato wuxuuna filimkan ka hadlaa burcadii ama gaangestirarii Mumbai ka jiri jireen 80-maadkii iyo 90-maadkii iyo sida booliska isaga hor imaadeen wuxuuna filimkan ku saleesan yahay sheeko dhab ah iyo marxaladihii ay soo martay Mumbai.

Filimka Mumbai Saga waxaa hogaamiyaal ka ah John Abraham, Emraan Hashmi, Kajal Aggarwal, Suniel Shetty, Gulshan Grover, Preitik Babbar iyo jilaayaal kale waxaana soo saarayaal ka ah shirkadaha T-Series iyo White Feather Films.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here