Waqtigan la joogo shaqo ka socoto ma jirto Bollywood-ka dhamaan waxaa la hakiyay aflaantii la duubayay sidoo kalena gabi ahaanba waxaa la xiray tiyaataradii filimada laga daawan lahaa sidaa darteed Director Sanjay Gupta wuxuu isagana hakiyay duubista filimkiisa weyn Mumbai Saga oo haatan jadwalkii ugu dambeeyay lagu guda jiray.

Haddaba Sanjay Gupta wuxuu sheegay 14-ka cisho uu guriga joogo doono Coronavirus-ka awgiis oo hawlaha Bollywood-ka hakiyay inuusan meel iska fadhin doonin durbana uu bilaabay diyaarinta sheekada filimka weyn Shootout 3 – The Gang Wars Of Bombay oo jilaayaasha Bollywood-ka ugu caansan kasoo muuqan dooninaan haatana hab qoraalka sheekadan si wacan u socoto.

Sanjay Gupta sanadii 2007 wuxuu sameeyay filimkii Shootout At Lokhandwala kaasi oo guul weyn gaaray aadna loo amaanay qaabka uu sheekada u dhigay kadib sanadii 2013 wuxuu la imaaday haddana qaybta labaad ee taxanahan Shootout At Wadala oo isagana guul wacan gaaray fariintiisana laga wada helay haatana qaybta sedexaad ee filimkan booliska iyo gaangesteriinta ku xifaaltamaan ayuu sameenayaa wuxuuna u bixiyay magaca Shootout 3 – The Gang Wars Of Bombay oo si caalami ah loo sameyn doono.

Haddii aan usoo laabano filimka Mumbai Saga ee uu haatan soo gaba gabeyn rabo Director Sanjay Gupta waxaa hogaamiyaal ka ah John Abraham Emraan Hashmi, Kajal Aggarwal, Suniel Shetty, Gulshan Grover iyo jilaayaal kale waxaana la daawan doonaa 19 June 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here