Filimka War waxaan wada ognanay inuu Big Hit noqday sidoo kalena ganacsi xoogan dibad iyo dal ka sameenayo waxaana inta badan la amaanayaa ama la hadal hayaa bandhiga ay shaashada ka muujiyeen labada atoore ee awooda badan Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff balse Director Siddharth Anand isagana mudnaan ayuu leeyahay madaama uu yahay shaqsiga fariinta filimka War sida wacan u agaasimay.

Haddaba filim sameeyahan wareysi xiiso badan ay la yeelatay gabadha lagu magacaabo Divya Solgama kana tirsan shabakada Rediff fadlan hoos kaga bogo:

Su’aasha 1-aad: Filimkaagii kowaad Salaam Namaste (2005) fariin jaceyl ayuu xambaarsanaa balse dhawaanahan dhanka Action-ka ayaad u weecatay adigoo sameesay Bang Bang iyo War sidee kuugu suura gashay?

Sidharth Anand: Aniga waxa iigu muhiimsan waa sheekada haddii ay tahay mid la hagi karo waa qasab markaas inaan agaasimo kama fiiriyo filimka sameenayo fariinta uu xambaarsan ee waxaan ka fiiriyaa tayada sheekada leedahay, sidoo kalena waa qasab xitaa haddii aan filim Action sameenayo in fariin jaceyl qayb ka ahaato.

Su’aasha 2-aad: Bal ka waran dhibka laga maraayo sameynta filimada Action-ka ah marka lala bar bar dhigo filimada jaceylka ah?

Sidharth Anand: Sida caadiga ah filimada Action-ka sameyntooda ayaa dhib badan, halka kuwa jaceylka agaasinkooda sahlan yahay. Sidoo kale kooxda kula shaqeeneyso waxay kaa rabtaa daryeel, ilaalo iyo feejignaan badan marka Action la sameenayo madaama qatarta badan tahay, laakiin si aan hamiga daawadayaasha u qancino waa inaan halis walbo u bareernaa.

Su’aasha 3-aad: Bal ka waran dhibka aad kala kulantay agaasinka Action-ka u dhaxeeyay Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff?

Sidharth Anand: Tiger waa wiil yar kaasi oo xiiso badan u qabo inuu Action sameeyo, sidoo kalena tababar ayuu qabaa. sidaa darteed waxay inoo sahashay midaas ficil walbo oo halis ah si sahlan inuu u sameeyo waana arin u wanaagsan filim sameeyaha inuu la shaqeeyo atoore diyaarsan oo Action walbo oo halis ah si sahlan u sameyn karo.

Marka aan Hrithik ka hadlo waxaan horey ugu sameeyay Bang Bang oo filim Action ahaa. Mana jirto wax uusan sameyn karin. Waayo filimki Bang Bang ayaa in badan ka halis badnaa War wuxuuna ficil walbo u sameeyay si caalami ah oo ilaa maantadan laga sheekeeyo.

Tiger iyo Hrithik waa labo xidig oo waa weyn oo ficil walbo sameyn karaan nagana waan hageenay Action walbo si halis aysan kaga dhalanin waxayna muhiimada kowaad ahayd bed qabka labadan xidig waana ku faraxsanahay inaan labadooda u sameeyay filim daawadayaasha jeclaadeen.

Su’aasha 4-aad: Ma waxay ahayd arin dhib badan in Hrithik & Tiger ku qancisid saxiixashada filim labo atoore hogaamiyaal ka yihiin?

Sidharth Anand: Maba ahan wax suurta gal ah xiligaan la joogo labo Superstar in hal filim la isugu keeno oo ay weliba hogaamiyaal ka wada noqdaan, laakiin nasiib wanaag filimka War ayaan diyaarinay oo fariin ahaan loo qeybiyay labadan xidig sheekada ahayd mid adag oo saameynteeda wadato.

Hrithik iyo Tiger hal maalin ayay wada aqbaleen sameynta War sababtoo ah fariinta aan horgeenay ayaa ahayd mid adag oo aysan diidi karin maantana waan wada aragnay sida filimka War loo agaasimay in labadan xidig loogu cadaalad falay.

Su’aasha 5-aad: Laakiin Director Yash Chopra ayaa hada ka hor dhahay inay aad u dhib badan tahay labo Superstar hal filim la isugu keeno dhib badan ilaalinta maqaamka ay leeyihiin, sidaa darteed dhib badan makala kulantay maamuus siinta iyo sharfida Hrithik & Tiger?

Sidharth Anand: Waa run waan qirayaa midaas inay dhib badan tahay labo Superstar hal meel la isugu keenay in loo cadaalad falo maamuuska ay u baahan yihiin, Laakiin xiliyadii hore lama joogo oo waqtigan casriga ah atoorayaasha waa kuwo wax walbo gacanta ka qaban karaan.

Sidaa darteed haddii aad wax been abuur ah ama qaldan kusoo kordhisid filimka wey arki karaan atoorayaasha kadibna taladooda ayay ka dhiibanayaan shaqada filim jilista haatan waxay noqotay mid la isla wada qabto ee agaasinka Director-ka kaliya kuma koobno.

Sidoo kalena atoore walbo shaqadiisa inuu sida saxda ah u qabto ayaa ka go’an sidaa darteed maamuus iyo sharaf gaar ah Hrithik & Tiger ma aysan naga dalbadanin waxayna ahaayeen kuwo aan isla qob weyneyn oo shaqada nala fududeenayaan xili walbo.

Su’aasha 6-aad: Ma jirtaa mar aad ka walaacday in hal atoore dareemi karo in doorka lagu yareeyay sharafkiisana meel looga dhacay?

Sidharth Anand: Ma ahan wax aan anaga xakameyn karno midaas. Sababtoo ah atoore walbo wuxuu aqbalay sameynta fariin uu isaga ka helay cidna kuma qasbin marka haddii uu dareemo in doorkiisa yara liito ama yar yahay waa mid uu isaga doortay ee anaga uma doorno.

Laakiin hal mid aan idiin sheego Hrithik iyo Tiger labaduba wey daawadeen filmka War marka aan dhameestiran shaqo ahaan weyna ku faraxsan yihiin doorarka ay ka qaateen sidoo kalena daawadayaashana wey soo dhaweeyeen doorarka mashruucan ka qaadeen. Sidaa darteed aadban ugu faraxsanahay in labada atoore aan filimkeyga u dhiibtay faraxsan yihiin, daawadayaashana faraxsan yihiin wax walbana farxad ayay kusoo idlaadeen.

La soco qaybta labaad Director Sidharth Anand wuxuu kaga hadli doonaa sababta Katrina War ugu soo dari waayay, Ramo Remake inuu Tiger u sameenayo, haddii uu filimka Hollywood-ka Expendables dib u sameenayo atoorayaasha uu hogaamiyaal kaga dhigi lahaa, sababta Bollywood-ka aflaanta Action-ka ugu badneyn dhawaanahan, aflaanta uu sameeyay midka uu ugu jecel yahay iyo arimo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here