Director SS Rajamouli waa filim sameeye lagu riyood in lala shaqeeyo kadib markii Bahubali labadiisa qeybood Hindiya iyo daafaha caalamka ku qabsaday haatana qof walbo wuxuu sugayaa fariinta xiga ee uu masuulkan la imaan doono oo lagu magacaabo RRR waxaana hogaamiyaal ka ah Ram Charan iyo Jr. NTR oo ka mid ah Super star-da ugu awooda badan Koonfur Hindiya.

Mudane Rajamouli wuxuu sheegay in filimka RRR uu yahay shaqadii ugu dhibka badneyd ee uu agaasimo madaama Ram Charan iyo NTR hal filim isugu keenay sidoo kalena laga rabo atoore mid walbo door ku filan siiyo si taageerayaashooda u niyad jebin marka ay mashruucan weyn masraxa ka daawadaan horaanta sanadka dambe.

Director SS Rajamouli wuxuu yiri “Ma aheyn wax sahlan diyaarinta sheekada RRR balse waxaa haatan iiga sii dhib badnaatay la shaqeynta Ram iyo NTR inkastoo wax igu cusub ahayn oo aan horey ula soo shaqeeyay haddana waxaa cadaadis igu haayo labadan Superstar sidii aan filimkan ugu qeybin lahaa waxaana ku kalsoonahay in daawadayaasha doorarkooda mid walbo siweyn kaga heli doonaan.”

Director SS Rajamouli Ram Charan horey wuxuu ugu sameeyay filimkii iskoorada taariikihiga ahaa dhigay Magadheere kaasi oo sanadii 2009 All Time Blockbuster noqday halka Jr. NTR uu horey ugu sameeyay filimadii Hits-ka weyn noqdeen sida Student No.1 (2001), Simhadri (2003) iyo Yamadonga (2007).

Haddii aan usoo laabano filimka RRR waxaa doorar muhiim ah ku leh Ajay Devgn iyo Alia Bhatt waxaana la qorsheenaa filimkan fariin ahaan ka hadlaayo in Ram iyo NTR la dagaalami doonaan gumeysigii Ingiriiska xiligii 1920-aad kii la daawan doono 8 Janaayo 2021 waxaana u harsan jadwalo duubis muhiim ah oo la amba qaadi doono marka xaalada Hindiya caadi kusoo laabato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here